CAWAR IYO CANJEEX – W/Q: Saddam Carab
Cidla ciirsi la’, gabaahiir iyo arladu waa geeri go’an. Abaar xun baa saamaysay degaanka. Xoolaha intii jilicsanayd way idlaysay. Aadamaha kuwo macalluul u bakhtiyey waa jireen. Dabiicadda, dhulku omas buu la basaasay. Ciidda harraadka la cabbudhay naqaska hoosteeda buuxiyey baa kolka lagu joogsado dillaacinayey. Dhirta jirrid iyo laamo intii roonroonayd oo qaawan baa ka soo hadhay. Dad iyo xoolo waa la wada dacdarraysnaa. Diihaal iyo silic baa lala taag darnaa. Tu Alle tu aan ahayn cidina rejo kama qabin. Habardugaag arlada way ka qaxday. In badan oo ka mid ah balaayada habsatay baa sahayatay. Cawar oo kali ah baa degaanka qoyskii reer boqor ka jooga.
QORMADAN OO DHAMAYSTIRAN GUJI SAWIRKA HOOSE