Talo-wadaaga iyo in isku duubniddu waa dhaqanka ay Somaliland ku soo caano-maashay rubuc qarnigii la soo dhaafay, waana baadi-soocda ay kaga duwan tahay dalalka mandaqada iyo waddamada afrika intooda badan. Sidaasi oo ay tahay waxaa weedha wargeyska ee maantu ay halkan ugu soo gudbinaysaa akhristeyaasheeda, faallo xalay laga sii daayay Idaacadda Dawladda ee Radio Hargeysa taasi oo ay wakaallada Wararka ee SOLNA kaga hadashay furfurnaanta maamul ee madaxweynaha Somaliland iyo go’aan-qaadashada uu ku qaabilay qaddiyadda xilligan ka oogan mandaqadda ee ka dhalatay heshiiska sadex geesoodka ah ee Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda DP World. Faalladaas waxaa ay SOLNA ku bilowday sidan:
“Madaxweynaha Shanaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, wuxuu Hoggaanka labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe uu la kulmay shan jeer saddexda bilood ee uu xilka hayey, waana Tallaabo muujinaysa bisaylkiisa siyaasiga ah.
Waxa kaloo furfurnaanta maamul ee Madaxweyne Biixi tusmaynaysaa hadafkiisa fog ee la xidhiidha inay Somaliland indho middaysan kula socoto xarakaadka iyo dabinada cadowgu u soohayo Somaliland. Arrimaha masiiriga ah ee qaranka Somaliland la soo gudboonaada in lagaga dabaasho wadajir, waxay ka mid ahayd balan-qaadyadii khudbadihii madaxweynaha Somaliland xilligii ololaha. Waxaanu wacadkaas ku oofiyey isagoo aan dhammaysan boqolka maalmood ee ugu horeeya muddo xileedkiisa. Madaxweynaha Somaliland wuxuu iyagana si joogto ah ula fadhiistaa shirgudoonka labada aqal ee baarlamaanka Wakiillada iyo Guurtidda oo ah qaybta sharci-dejinta isla markaana ah dhardhaarka labaad ee saddexda waaxood ee dawladda. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa socdaalkan ceelalyada ah ee uu ku tagay dalka Imaaraadka carabta wuxuu ku soo daray Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo mucaaridka ku metalaya booqashadan, waxaanu Guddoomiye Faysal markay taagan tahay danta guud uu makarafoonkiisu tumaati ku yahay cadowga Somaliland oo sida naxaasta uga dhalaala dal jacaylkiisa. Waxa xusid mudan dhambaal Sabtidii toddobaadkan madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) uu ku daabacay bartiisa twitter-ka, oo uu ku bogaadiyey madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Hoggaamiyaha mucaaridka Raila Odinga, waxaanu madaxweyne ku xigeenku xusay inuu ku faraxsan yahay in madaxda Kenya ay u heshiiyeen hab dhaqan oo u eg jidkii Somaliland kaga soo gudubtay marxaladihii adkaa ee ku wajahnaa nabadeyntii iyo dib u heshiisiintii dawlad dhiskii Somaliland.
Ugu dambayn, waa in qalbi saliim ah lagula shaqeeyaa madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo muujiyey siyaasad bir ku ah cadowga dalkan isla markaana u debacsan ummadiisa iyo madaxda goleyaasha iyo axsaabta mucaaridkaba. Waxaanay Somaliland horyaala inay dunida saddexaad macalin ugu noqoto nabadeynta iyo dimuqraadiyada ay garaado goyska ku noqotay.