Washington, (Hubaal)- Maxkamada sare ee Maraykanka ayaa qaadacday shalay inay hakiso kiis magdhow ah oo muwaadin u dhashay Somaliland hore loogu xukumay Maxamed Cali Samatar, balse racfaan ugu qaatay maxkamadu inay ka jebiso, maadama uu sheegtay inuu haysto xasaanad ka ilaalisa dembi lagu oogo.
Maxkamada ayaa diiday inay dib u eegis ku samayso go’aan maxkamada racfaanka Maraykanku ku ogolaatay inuu bixiyo magdhow lagu xukumay Samatar, oo wasiirka Gaashaandhiga iyo Raysal wasaare ka soo noqday xukuumadii Siyaad Barre.
Kiiska Samatar oo bilaabmay sannadkii 2010, ayaa maxkamadii qaaday dacwad xasuuq uu ka geystay magaalooyin Somaliland ah awgeed ku xukuntay inuu bixiyo $21 million, ayaa garyaqaanadii Samatar racfaan ka qaateen go’aankaa, isla markaana ku doodeen inuu haysto xasaanad uu kaga badbaado dacwad lagu oogo.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa horaantii sannadkan qoraal ay u gudbisay wasaarada Cadaalada ku sheegtay inaanu Maxamed cali samatar xaq u lahayn xasaanad uu kaga badbaado dembiyada loo haysto oo dawladda Soomaaliyan ay xaqiijisay.
Kiiskan oo markii ugu dambaysay Maxamed cali Samatar garyaqaanadiisu racfaan uga qaateen maxkamada sare ayaa go’aanka wakhtigan noqonayaa mid ku waajibinaya Cali Samatar inuu bixiyo magdhowga gaadhaya 20 Milyan oo Dollar ee looga xukumay ehelkii qaar ka mid ah dadkii ciidamadii Siyaad Barre xasuuqa ugu geysteen magaalooyinka Somaliland oo dacwad ka dhan ah u gudbiyey maxkamad ku taal Maraykanka dhowr sanno ak hor.
source:himilo