“Cabdiraxmaan Cirro Maalintii Uu Goluhu Heshiiska Maalgashiga ee [DPWorld] Ansixinayay, Isaga Ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Ahaa Oo Wuu Ogollaa, Fadhigaas Shirguddoominayay, Maantana Waa Nasiib Darro In Uu Banaanka Ka Caayo, Taas Macnaheedu waxaa ay ka dhigan tahay………..”
“Maaha In Uu Idinku Danaysto Ninka Ay Shalay Wax La Fiicnaayeen, Ee Maanta Ay La Qaloocatay, Kaas Waa Inaad Si Gaar AH Ugu Fiirsataan Oo Aad Shalay; Maanta Daba Sidaan”
“ Cidda Loo Baahan Yahay In Ay Hadallada Is Burinaya [Ee Guddoomiyaha WADDANI] Kala Garataa Waa Idinka, Waayo…”
Gabiley (Hubaal)- “Farxad weyn ayey ii tahay inaan maanta [shalay] ka soo qayb galo xafladan qalin jabinta ah ee loo qabtay dufcadii shanaad ee ka soo baxday jaamacada Timacadde”. Sidaas waxaa hadalkiisa ku ballaysimay wasiirka wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guriyeynta Somaliland Md.Cali XAsan Maxamed (Cali Marreexaan) oo ka mid ahaa marti sharaf ka qayb gashay qalinjebinta dufcaddii shanaad ee ka baxda jaamicada Timacadde ee magaallada Gabilay. Wasiir Cali Marreexaan oo halkaasi khudbad ka jeediyey ayaa waxaa uu ka hambalyo u diray ardayda qalinjebisay oo uu ku tilmaamay kuwo qaranka anfici doona isaga oo sheegay in ay qorsheyaasha dawladdu xooga saarayso ay kamid yihiin dhisida aqoonta iyo tayada shaqaallaha dawladda “waa arrin aad u weyn waanan u hambalyeynayaa ardayda, macalimiinta, shaqaalaha jaamacada iyo intii la shaqaynaysayba. Tacliintu waa waxyaalaha ugu waaweyn ee dawladani ku dedaalayso inay dhisto waana waxyaabaha uu qarankani u baahan yahay inuu xoojiyo si looga midho dhaliyo horumarinta dalka iyo dadkaba”. “Jaamacadan magaceeda marka la arko waxa la xasuustaa Abwaan C/laahi Suldaan Timacade oo wanaag, dadnimo, iyo akhlaaaq ku suntanaa, sidaas darteed ardeydiina maanta halkan ka qalinjabinaysaa waa inaad yeelataan oo ay idinka muuqataa sifooyinkii iyo astaamihii iyo higsigii Abwaanka Jaamacadu magaciisa sidato”. Ayuu yidhi Cali MArreexaan, wasiirka hawlaha guud ee Somaliland. Geesta kale waxaa uu wasiirku ka hadlay xaalladan kala guurka ee dalku kujiro xilligan oo loo diyaar garoobayo doorashooyin, waxaana uu shacbiga guud ahaan gaar ahaanna aqoonyahannadii qalinjebinyay ee loo xafladaynayay uu ku dardaaray in ay fiiro gaar ah u yeeshaan siyaasiyiinta laba boglaynaya ee kolba wixii uu dantiisa ka waayo caaridaya “ Maanta dalku wuxuu galayaa wakhti kala-guur ah oo doorasho dhacayso, idinkaana ka talinaya masiirkiina iyo mustaqbalkiina, ee maaha ninkii ay shalay wax la fiicnaayeen eemaanta markii uu dantiisa ka dhex arki waayay ee ay la qalloocatay in uu idinka idinku danaysto, kaasi waa in aad si gaar ah ugu fiirsataan oo aad shalay daba sidaan maanta”. Ayuu wasiirku yidhi.
Dhinaca kale waxaa uu toosh ku ifiyey hadallo is burinaya oo uu murashaxa WADDANI xilliyo kala duwan ku tiraabay, waxaanu wasiirku qolofta ka qaaday boogo dusha ka daboolan oo diiwaanka siyaasadda u galay Murashax Cirro. Mr. Cali Marreexaan oo daba socday hadallo kasooyeeshay Cabdiraxmaan Cirro toddobaadkan oo ku saabsan shirkadda DP World oouu naqdiyey ,isagoo wasiirku nasiib darro ku tilmaamay in dhalleecayntaasi ay muujinayso baaxaadaga iyo laba boglaynta siyaasadeed ee Murashaxa Cirro, waxaana isaga oo is barbar dhigaya dhaliisha DP World iyo mawqif uu xisbiga WADDANI iyo Xildhibaannadiisuba hore uga qaateen shirkaddan uuyidhi Wasiirk Cali Marreexaans “Guddoomiyaha WADDANI shalay wuxuu dhaleecaynayey shirkadda DP WORLD, laakiin waxaa xusid mudan in markii uu guddoomiyaha Baarlamaanka uu ahaa [Cabdiraxmaan Cirro] ee golaha laga ansixinayay heshiiskii Maalgashiga uu guddoomiyaha golaha ahaa oo waliba uu shir guddoominayay fadhigii mudaneyaashu ay ku meel mariyeen maalintaasi.
Toddobaadkii xigay Maalintaas la ansixiyey heshiiska DP World Waxaa Uu Cabdiraxmaan Cirro Magaallada DUBAI Kula kulmay ninka ugu sarreeya Shirkadda DP World, taas macnaheedu waxaa ay ka dhigan tahay maalintaas wuu ogollaa shirkadda DP World inay maalgashato dalka, maantana waa nasiib darro in uu banaanka ka caayo, sidaas darteed kala duwanaanshahaas iyo hadalladaas is burinaya waa kuwa loo baahan yahay in lakala garto cidda loo baahan yahay inay kala garataanna waaidinka {ardaydii qalinjebinaysay iyo marti sharaftii xafladda ka qayb gashayba]” ayuu yidhi Wasiirka hawlaha guud.