Hadal intii uu afkaada ku jiro ayuu amaano yahay, waa maah maah Soomaaliyeed, oo xambaarsan xigmad mug weyn leh. Siyaasiga Cali Khaliif Galeydh oo mudooyinkii u danbeeyay lagu bartay dhaleeceynta iyo aflagaada Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la arkay isagoo dhex fadhiya xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Marka dib loogu laabto wareysiyadii iyo aflagaadii Cali Khaliif u geysan jiray Madaxweynaha Somalia ayaa waxay dad badan aaminsanaayeen in aysan suuragal noqon doonin in ay kulmaan Cali Khaliif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, hase ahaatee la arkay Cali Khaliif oo gacanta haya kuna faraxsan kulanka Xasan Sheekh.
Yusuf Garaad Cumar, oo inta badan ka faallooda arrimaha siyaasadda dalka, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook iyo Blog-ga uu leeyahay, kaga hadlay kulankaasi, isagoo cinwaan ugu dhigay Kullan Geesinnimo, wuxuuna ku bilaabay sidan.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabbilay Mudane Cali Khaliif Galaydh, oo hore dalka uga soo noqday Ra’iisal Wasaare, dhawaanna loo doortay hoggaanka Khaatumo.
Mar aan Mudane Cali Khaliif kula kulmay Muqdisho bishii hore, waxaa uu adeegsaday ereyga ah aniga iyo Madaxweynuhu faataxo isuma akhrinno laakiin dan ayaa naga dhexeysa. Ereygaas ayaana laga fahmi karaa halka ay kala joogeen oo dadka qaar ay kala socdeen saxaafadda.
Mar haddii la fahmo in haddii aan Soomaali nahay, si kasta aan u kala aragti duwanaannee ay dani naga dhexeyso, in la iska wareysto waxaan u qabaa in ay tahay tallaabada koowaad ee horseedi karta in laga wada shaqeeyo sidii aan danteenna ku gaari lahayn