Cali Khaliif Oo Hargeysa Ka Duulay Isaga Oo Jabuuti Ku Sii Jeeda

0
54

cali khaliif galaydhCali Khaliif Galaydh oo shalayto ciidammo beeleed deeganka Buuhoodle ku sugan ay u diideen in uu ka duulo garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle oo safar dhulka ah ku tagay Hargeysa ayaa Jabuuti uga sii duulay.

Cali Khaliif iyo wafti uu hogaaminayo oo saddex ah oo ka tirsan maamulka Khaatumo ayaa diyaarad ka raaci lahaa shalay magaalada Buuhoodle si ay Jabuuti ugaga qaybgalaan wadahadallo u socday Somalilanad iyo Khaatumo.

Mudane Galaydh ayaa safar dhulka ah galay xalay isaga oo saqdii dhexe gaaray Burco ugana sii baxay magaalada Hargeysa, halkaas oo uu diyarad Jabuuti uga sii raacay.

Weriyaha BBC ee magaalada Hargeysa oo khadka taleefanka kula hadlay Galaydh ayaa sheegay in uu ka cudurdaartay in uu wareysi bixiyo.

Cabdifataax Baydan oo ah taliyaha ciidan beeleedkii Buuhoodle ku xanibay Galaydh shalay ayaa sheegay in aanay ku qanacsanayn wadahadallada uu kula jiro Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here