“Cali-Gurey Waxba U Tari Maayo Jamaal Oo Waxaa Haya Xannuun Muuse La Yidhaadho, Immikana Waxa Ugu Sii Darsamay Xannuun Kale Oo La Yidhaahdo…”

0
66

Md. Maxamuud Cali Muuse (Jiir) – Guddoomiye ku xigeenka UCID Ee Ku Meelgadh Ahaanta Uu u Magacaabay Guddoomiye Feysal Cali Waraabe”

“Xilligaas waxa uu Cali Gurey soo jeediyey in haddii KULMIYE musharrax u doorto  Madaxweynaha Somaliland uu  Jamaal Isna Musharrax u ahaad, Haddii Muuse Biixi noqdo musharraxa KULMIYE-na aanu……”

“… [xilligaas] wuxuu Cali Gurey Watay  oo uu Guddoomiye Feysal Ku khasbayay in aanu Maxamed Biixi Yoonis ka dhigano Musharraxa madaxweynaha ee Xisbiga”jiir

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee  xisbiga UCID ee  uu guddoomye Feysal Cali Waraabe kumeel gaadh ahaanta u magacaabay Mr. Maxamuud Cali Muuse (Jiir) ayaa markii u horreysay faahfaahiyey asbaabaha kellifay in uu demi waayo khilaafka xisbigoodu, isaga oo sharraxaad ka bixiyey halka salaadu ka xidhmi weydey ee uu ka soo unkamay murankaasi.

Maxamuud Cali Muuse (Jiir) waxaa kale oo uu ka hadlay qorsheyaal isku sidkan oo markii ay socotay qabanqaabada shirkii KULMIYE ku dooranayay musharraxooda uu guddoomiye ku xigeenkii hore ee UCID Md. Cali Maxamed Yuusuf (Gurey) u soo jeediyey guddoomiye Feysal Cali Waraabe in ay ka shidaal qaataan, kuwaas oo uu Mr. Jiir Sheegay in ay ahaayeen kuwo qaarkood ka takhallusayeen Jamaal Cali Xuseen. Isaga oo ku dooray in Cali Gurey laftiisu aanu wadanin xilligaas Jamaal balse uu musharrax kale jeebbada ku sitay. Guddoomiye ku xigeeka UCID ugu horreyn isaga oo faahfaahinaya halka uu khilaafkoodu ka unkamay waxaa uu yidhi “Haddii aan ku soo dhawaado khilaafka xisbiga iyo wixii keenay. Waqtigii uu golaha dhexe ugu coddeeyey [Jamaal iyo Cali gurey) inay ahaadaan musharraxa madaxweynaha iyo guddoomiye ku xigeenka 3aad, waxa lawada og yahay in xisbigii noqday Urur ee uu galay doorashadii golaha deegaanka, waa kii uu guulaystay, laga bilaabo maalintaas waa kii Jamaal dhoofay ee Yurub tegey isaga oo aan muddo laba sanno ah ku soo noqon dalka halkaasna ay ku suulleen waxyaabihii u baahnaa in la qaybyo tiro. Xilligaas waxaa uu Cali Gurey u soo jeediyey guddoomiyaha xisbiga in uu ninka [Jamaal] isla bedello, laakiin guddoomiyaha ayaa yidhi waar bal u kaadi. Haddana waxaa uu guddoomiye Cali Gurey soo dhigay  in waqtigaas oo ku beegnaa shirkii xisbiga KULMIYE  in la sameeyo qorsheyaal [Palan A Iyo Plan B) la kala yidhaahdo. Plan A oo dhigayay in haddii uu Madaxweynaha Somaliland uu shirka KULMIYE   u doorto musharraxa xisbiga, Jamaal In Musharrax u ahaado isaguna UCID, Haddii Muuse Biixi noqdo musharraxa KULMIYE-na aanu Jamaal Musharraxa Xisbiga UCID noqon, tii baana taagan maanta”. Ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee ku meel gaadhka ah ee UCID Md. Maxamuud Cali Muuse (Jiir) oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa. Waxaanu intaa ku daray  “ Markaas [xilligaas] wuxuu Cali Gurey Watay  nin immika maanta ka maqan [saaxadda] oo nin weyn oo sharaf lahaa  oo ahaa ninka la yidhaahdo Maxamed Biixi Yoonis, Markaas waxaa uu Guddoomiye Feysal Ku khasbayay in aanu Maxamed Biixi Yoonis ka dhigano Musharraxa madaxweynaha ee Xisbiga, tamaanta dhibaatadaas iyo murankaas aan dhammaanayn ee xisbiga keentayna taas weeye”.

Guddoomiye ku xigeenka kumeel gaadhka ah ee UCID Mr. Jiir Cali Madoobe waxaa uu ku dooday in  saar ka dhan ah guddoomiyeyaasha UCID iyo KULMIYE uu hayo Cali Gurey “  markaa Cali oo uu hayo xanuun Muuse La yidhaadho waxaa immika ugu darsoomay xanuun kale oo la yidhaahdo Faysal, Jamaalna waxba u tari maayo, dalkana waxba u tari maayo”.

Jiir Cali Madoobe mar uu ka hadlayay xasaannada xilka uu ku magacaaban yahay ee guddoomiye ku xigeenka ku meel gaadhka ah ee UCID, waxaa uu yidhi “Anigu Waxaan ku magacaabanahay awooddii uu shirweynihii xisbigu u banneeyey guddoomiyaha oo ahaa in meellihii banaannaa ee shirweynahaa uu buuxiyo gudddoomiyuhu, isla markaana uu aniga kumeel gaadh ahaan iigu igmaday inaan ahaado guddoomiye ku xigeen 3aad. Sidaas aawadeed ninka immika  guddoomiye ku xigeenka saddexaad ahi aniga yahay”. Ayuu yidhi Maxamuud Cali Muuse (Jiir)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here