Caddaaladdu Waa Waajib Diiniyan ah!. W/Q: Deeq Maxamed

0
81

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo !

justiceDiinta islaamka Cadaalada waxa ay kaga jirtaa door muhiim ah Waa mowduuc aad u weyn oo xidhiidh la yeelanaya dhaqaalaha, bulshada, hogaanka iwm. waxaana lagu sheegay quraanka & sunaha , sidoo kale waxaa jira aayado iyo xadiisyo badan oo kusoo arooray in cadaaladu tahay shay muhiim ah u ah dhismaha/jiritaanka shaqsiyadeed, qoyseed & Midka qowmiyaheedba. Fikrada cadaalada waxa ay la xiriirtaa sinaanta xaqa iyo runta iyadoo aan la isku kala saareynin sababo la xiriiro midab, dhalasho ama mararka qaar diin. Cadaaladu makala laha sareyn, nasab, hanti ama sharaf waa mid ay tahay in loo wada sinaado shaqsi walbana ay qabato si isku mid ah.

Cadaalad in la bixiyo waa mid ka mid ah asbaabaha ay u taagnaan karto dowlad islaam ah hadiise la waayo waxaa la waayi madaxda iyo dowladaa sidii loo waayay Qadaafi iyo Xusni Mubarak. Mararka qaar waxaa dhacda dunida in cadaalada aanan la helin in badan sidoo kalana in cadaalada aysan helin dadkii mudnaa tusaale ahaan inaan si saxan bulshada xoolaheedi ama xaqeedi loogu maamulin.

Cadaaladu waa waajib. Erey ahaana cadaalad micnaheedu waa isku dheelitirnaan. Sida aan kasoo xiganaayo Cimlaaqi aqooneed ee masaariga ahaa Dr. Sayyid qutb wuxuu yiri cadaalada bulshadeed waxa ay ka kooban tahay seddex sheey: 1) In qofka xurnimo dhameystiran u lahaado dareenkiisa/keeda. 2) In bani’aadmigu sinaado {Waxyaalaha Qaar} & 3) Isku xirnaanta bulshada taasoo micnaheedu yahay kasoo bixida masuuliyada bulshadeed micnaheeduna ma aha dareen ahaan ee waa qaadida ficilo dhab ah sida bixinta zakada Hadiise ay jirto in ay baahida bulshada kaafin weydo waa in lacag dheeri ah laga qaadaa dadka wax heysta.

Nabigeena Maxamad {NNKH} wuxuu yiri todobada qof ee aakhiro hadhka ilaaheey hadhsanaya waxaa ku jira shaqsi u cadaalad falay dadkii uu xukumayay. Waxaa markaa muhiim ah in cadaalad darada laga fogaado. Cadaalada waxeey keentaa nabada, Midnimada, horumarka dhinacyadiisa kala duwan xag buslsho, xag Aaqooneed, dhaqan dhaqaale & ilbaxnimo.

Hadaba Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ayaa xilkii ka qaaday 18 bishan april 2015 gudoomiyihii maxkamda sare isaga oo u nisbeeyay sababo jira awgood iyo weliba dastuurka u dejisan qarankan Somaliland

Sababahaas oo kamid ahayeen kuwan soo socda

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad

ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddida Cadaaladdu;

Markuu Arkay:                     Cabashooyinka is-dabajoogga ah ee dadweynuhu ka muujiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorka Dalka;

Markuu Yaqiinsaday:        In loo baahan-yahay isbeddel lagu sameeyo Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka;

Hadaba umadi halka ka dhisantaa waa cadaalada oo qof walba gaadha isla markaana dareemaya midhaheedana goosta

Cadaaladu hadaanay jirina nolol jiri mayso , sidaa darted waxan madaxweynaha ku hambalyeynaynaa go,aanka ku dayashada mudan ee uu qaatay isla markaana uu tixgaliyey baahida shicibkan uu gadhwadeenka u yahay

WQ/  Deeq Mohamed

Guure2008@live.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here