“Cabdilaahi Jawaan Oo Hore Looga Bartay Inuu Yidhaahdo Aniga!! Aniga!! Waxaannu Leenahay Qaladaadka Uu Galay Hay’addaha Sharcigaa Ka Jawaabi”

0
19

Guddida Doorashooyinka Oo Ka Hadlay Kursiga Lagu Muransan Yahay Ee Ka Banaan Golaha Wakiilada Iyo Hadallo Uu Cabdilaahi Jawaan Warbaahinta Siiyey

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Komishanka ayaa ka hadlay muran ka taagan buuxinta booskii Allah haw naxariistee Marxuum Ibraahin Kacaan.

Guddoomiye Cabdiqaadir Iimaan ayaa ku dheeraaday intii ay Komishanka joogeen in laba kiis soo wajaheen, kuwaas oo mid kood ay xaliyeen midka kalena ay u gudbiyeen Maxkamadda sarre ee Somaliland taas oo go’aan kama dambeys ah ka gaadhi doonta xildhibaankii ku fadhiisan lahaa kursiga ka bannaaday Golaha Wakiiladda waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan: “Komishanka Dorashooyinka Qaranka waa Komishankii Afraad ee Waddanka xil ka qabta, waxaanu kala hagay oo uu kala saaray Todoba xubnood  oo Golaha Wakiiladda ah wax dhintay iyo wax kabaxayba, intii aanu joognay laba dhacdo ayaa na soo  martay, labadaa dhacdo ee na soo martay waxay ahayd dhacdo ka dhacday Sool iyo dhacdadan Maroodijeex, dhacdada Sool waxa ka baxay Wasiirka Biyaha, sida aad la socotaan Sool waxay ahayd is xambaar iyo cod, markaa waxa kaalinta ku jiray is xambaar waayo wasiirka ka baxay Golaha waxa uu ku yimi is Xambaar, markaa waxa ay dacwo nooga timi nin cod haysta oo leh annaa ku xiga codkii waana dhacdadii ugu horeysay ee dhacda marka laga soo bilaabo 2005-tii, waanu kala saarnay waxaanuna kula saarnay inaanu siino ninkii ku yimi is xambaar maadaama wasiirkii ka baxay uu ku yimid is xambaar. Dhacdadan Hargeysa waa dhacdo iyaduna ugub ah, waxay ku timi 2005-tii Komishankii markaas joogay iyo Maxkamaddii markaas joogtay Decument-tiskii ay isdhaafsadeen Maxkamadda hadda jirta iyo Komishankan imika jooga midna muu joogin wakhtigaas, waxay dhaxleen Decument ay markaas isu direen Komishankii joogay iyo Maxkamadda, waxaanay ahayd natiijaddii ku meel gaadhka ahayd dabadeed waxay Maxkamaddu u soo gudbisay natiijaddii rasmiga ahayd oo aanu xagan ku hayno oo uu saxeexay Guddoomiyihii Komishanka ee wakhtigaasi oo ah Axmed Xaaji Cali Cadami oo shaanbaddii xarunta Komishanka leh astaantii Komishanka leh oo ah in kaalinta saddex iyo tobnaad ku jiro Xuseen Axmed Caydiid oo haysta 3981 cod Kaydka Shannaadna ahaa, waxa ku xigay Afar iyo Toban Maxamed Muuse Abees oo hasyta 3986 cod kaydka lixaadna ahaa, kaasi wuxuu ka soo baxay Komishankii markaas joogay waxaana markaa Maxkamaddii soo rasmiyeysay sidii ay u qornayd. Komishankani waxa uu Maxkamadda u diray Document-kii waxaanuna nidhi Maxkamaddeey adiga go’aanka ugu dambeeya leh, waraaqo ayaanu is weydaarsanay taasina wali way socotaa, waxa dhacday in labada xubnood inay laba warqadood oo labadooduba dacwad ah soo gudbiyeen Komishanka.”

Cabdiqaadir Iimaan ayaa ku eedeeyey Cabdilaahi Jawaan inuu Saxaafadda isla taagay oo uu qalad ka galay bulshadda reer Somaliland qaladkaas oo ah inuu waraaqo aan sax ahayn uu ku sheegay inay sax yihiin oo uu Xuseen Axmed Caydiid inuu xaq u leeyahay, Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wada ayaa yidhi: “Waxa dhacday in muwadin aan xil ka hayn Waddanka iyo hay’addaha Dawladda inuu Saxaafadda isla soo istaagay oo ku hadlay qaladaad aad u faro badan oo saameeyey  bulshadda Somaliland, Cabdilaahi Jawaan oo hore uga bartay shicibku inuu idhaahdo Ani!! Ani!! Ani!! Oo xata marka uu hadlayey aan odhan Komishankayagii joogay ee 2005-tii waxaanu go’aan ku gaadhnay oo markasta uu leeyahay anaa sameeyey, anaa qabtay, anaa haya. Wuxuu galay oo qaladaadku galay inuu soo ban dhigay waraaqo been abuur ah oo umadda ugu sheegayo sax, kuwaas oon lahayn shaanbaddii, saxeexii iyo astaantii Komishanka Qaranka. Waraaqo uu soo teeb garaystay  oo uu yidhi anaa ku dhawaaqayo waa kaa waa sax, waa been abuur oo hawlihii hay’addaha dastuuriga ahaa xidhiidhkii ay sameeyeen ee shaqada faraha ku hayeen oo uu ka gar naqay, oo uu yidhi anaa go’aamiyo haddii Maxkamaddu soo saarto gartaa aan anigu naqay mid ka duwan waa qalad, waxa kale uu   ku kacay inuu kiciyo dadweynaha oo uu iska hor keenay been abuur taas cadayntiisa ayaan uga fadhinaa, wuxuu daadefeeyey xukunka soo socda ee aanu xukumi doono oo uu yidhi aniga xukumay waxaana leh Xuseen Axmed Caydiid taasna waanu uga fadhinaa.” “Waxaanu xaq u lahayn oo qof muwadini haysan Karin Document sharci ah inuu ku faano oo yidhaahdo Document-tiskii laga soo bilaabo Komishankii ugu horeeyey ilaa imikaan haystaa oo gurigayga ayaan ku haystaa, waxaanu leenahay dawladda iyo hay’addaha sharciga ka jawaabi.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here