- Boqor cismaan Buur-Madow, waa halyey run sheeg badan oo loo arko, in uu yahay nin ka xoroobey Aafada qabyaaladdu leedahay iyo sidoo kale, bakhaylnimada- dhab caalnimada ku salaysan.
- Waa deeqsi dhalliinyaro ah ee ku caan-baxay, in uu laba beelood oo dagaal safeyn ah iskaga soo hor- jeeda mago-bixin raagey. Awgeed ku muransan, la isuna qirsanayn, kuwaas oo uu ku kala hagoogto kuna kala diro amase ku kala dhaqaajiyo aftahamadiisa, jeebkiisa shakhsinimo iyo maalkiisa miyi, kana dhex-dhaliyo is-laax iyo is-afgarad.
- Waa geesi dhiiran oo aan la loodin Karin laguna aqoonin gabasho fulaynimo markii dirir iyo dagaalo soo food saaraan ee ka fursan waa loo arko
- Waa shakhsiyad ku can-baxay ka hawlgalka siyaasadda dib-u-heshiisiinta bulshada khilaafku ka dhex taagan yahay oo sida looga bartey uu ka odayeeyo, isagoo ku wacan isu jiid-jiidka iyo u kala ergeynta beelaha u khilaafku ka dhex aloosan yahay.
- Waa nin Niyadsan oo af iyo gacankaba ugu hiiliya dulmanaha iyo dadka dan-yarta ah, taas oo marag ma doon ah oo loo soo joogey inuu rag ku xidhan xabsiyada oo aysan isku hayb ahayn maalkiisa ku furto.
- Waa nin haybad boqornimo leh oo magiciisa laga yaqaan mashriq iyo maqrib-ba, wuxuuna hankiisu gaadhsiiyey, inuu martiqaad ka helo oo uu beryo la soo caweeyo Madaxda caalamka intooda badan ee sida la ogyahay U fidiyey casuumad sharafeed, taariikhi ah.
- Ugu danbeyntii, waxaa hore loo yidhi “Ma gudboona geesiga guusha hanta iyo gocorka caayaye” sidoo kale, in kastoo la caasiyo nin raga xadhig allow yaalla.
Sidaas awgeed, waxay is-weydiintu tahay waa kuma hoggaamiye dhaqameedka la karti iyo miisaan ah Buur-madow???