Boqor Buur-Madow Oo Farta Ku Fiiqay Aragtidiisa Mideynta Somaliland Iyo Somalia

0
31

Hargeysa(Hubaal)Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, oo ka tirsan Madaxda dhaqanka Somaliland ayaa la waydiiyay inuu door ka qaadanayo isku soo celinta iyo ka shaqaynta Midnimada Somaliland iyo Somalia, waxaanu sheegay inaanay Somalia daacad ka ahayn in dib la iskugu soo noqdo.

 buur madow

Boqor Buurmadow oo haatan si aada u taageera Madaxweyne Siilaanyo ayaa arrintan uu waydiiyay Telefishanka Universal “Horta anigu marka hore shakhsiyan waxaan ahaa Nin aaminsan in Africa oo dhan ay u midawdo sida Maraykanka iyo Yurub u midoobayaan, Soomaalidana waxaaban u arkayaa dad isku wada mid ah laakiin, kala go’an duruuf baa keentay, midnimadii horena duruufihii Gumaysiga ayaa keenay oo laba dal ayay kala hayd”, ayuu yidhi Buurmadow.

Boqor Buurmadow, waxa uu intaasi raaciyay “Goosashada waxaa keentay Dhibaatadii Xukunkii Militariga ee Umadda Soomaaliyeed meel kasta ay joogto ku habsatay ma odhan karo waqooyiga uun bay gaar u ahayde.markaa burburkii Umadda Soomaaliyeed ku dhacay ayaa inay kala tagto keenay, Caalamkuna waxaad moodaa inuu sii kala googaynayo oo doonayaan inay tuulo walba gaar u xukumaan oo Madaxweyne u sameeyaan”

Boqor Buurmadow, waxa uu sidoo kale Somalia ku eedeeyay inaanay diyaar u ahayn Midnimada “Markaa anigu waxaan qabaa rajadii Soomaalida cidii xataa Midnimada daynaynaysay inaanay dariiqii ay midnimo ku iman lahayd aanay marayn oo wada hadalada waxay ahayd in loo wada hadlo laba dal, oo Somalia kala qayb qaybintan meel walba Madaxweynaha loo sameeyay laga daayo oo midnimada Somalia halkaas laga bilaabo. Ta kalena in Siyaasiyiintan shacbiga ka baqanaya aan wada hadalada lagu dayne la balaadhiyo oo Madaxdhaqameedka awooda dadban leh ee Hogaamiyeyaasha ruuxiga ahna lagu daro” ayuu yidhi Boqor Buurmado.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here