“Hadalka Burmadow ma ah Hadalkii lagu Yaqaanay Salaadiinta dhaqanka, Arrinta Muddo Kordhintuna waxay u taalla Komsihanka Doorashooyinka iyo Gollaha guurtida” Boqor Bad-madow
Hargeysa(Hubaal) Boqor Axmed Maxamed Xassan Badmadow oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland ayaa shacabka Somaliland, Raali gallin ka siiyey Hadal uu sheegay in uu ka soo yeedhay Boqor Burmadoow, kaasi oo ahaa in beeshoodu doonayso in Madaxweyne Siilaanyo loo Kordhiyo sidii horeba loogu Kordhiyey Madaxweynayaashii ka horeyey, waxanu Tilmaamay in Hadalka Boqor Burmadoow aanu ahayn Hadaladii lagu yaqaanay Saladiinta Dhaqanka balse uu yahay mid isaga ku kooban.
Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland u gudubtay Hanaanka Axsaabta baddan isla markaana ay ka gudubtay Habkii beelaha, waxanu hoosta ka Xariiqay in Muddo Kordhin la sameeyo ay u taallo Komsihanka Doorashooyinka iyo Gollaha Guurtid basle Nin Suldaan Sheeganaya ama Beel aanay arrintaasi u ogolin.
Boqor Axmed Maxamed Xassan Badmadow Waxaa uu sidaasi ku sheegay mar uu Shallay warbaahinta u Warameyey Waxanu hadalkiisa ku Bilaabay siddan. “Hadalka Boqor Burmadow ka soo yeedhay ee uu leeyahay Beeshaydu Waxay Doonaysaa in loo kordhiyo Madaxweyne Siilaanyo waa Arrin lala Yaabo, waa Arrin Adag, Waayo Dalka Madaxweynayaashii soo maray Mid kali ahi oo Beeshisu tidhi Madaxweynahayga ha loo kordhiyon ma jirto, Laakiin Hadalka Boqor Burmadoow markii aan Arkay waxay illaa Muuqatay in Hadalkiisasi aanay kula Socon Beeshiisa ama Madaxweynuhu ee uu yahay Mid isaga ku kooban oo uu Warbaahinta mariyey, Shacabka Somaliland aad bay uga yaabeen Arrintaasi, basle shacabka waan ka Raaligalinayaa waxanan leeyahay waa hadal ku kooban Boqor Cisman Burmadoow oo kali ah ee aanay Cid kale la qabbin, waayo Maskaxda sidda Fayoow u Fikiraysaa Way garan karta hadalka Burmadoow in uu yahay mid u gaar ah ujeedada uu doono ha kala lahaadee.”
Waxa kale oo uu intaasi ku daray.“Somaliland waxay u Gudubtay Hanaan Dimuqraadiga ah ee Axsaabta baddan oo waynu ka guuranay habkii Qabiilka, oo Xisbiyo ayeynu sameysanay oo nin walba xisbigu doono ayuu u codeeya, marka Burmadoow waxan leeyahay Hankaagu ka dhaafo Reer Hebel, Waxa kale oo aan leeyahay Hadalka Burmadoow ka soo yeedhay ma ah Hadalkii lagu yiqiinay Salaadiinta dhaqanka, Arrinta Muddo Kordhinta waxay u taalla Komsihanka Doorashooyinka iyo Gollaha guurtida iyaga Awood u leh in ay kordhiyaan iyo in aanay Kordhin balse Beel ama Saladiinta midna umma taallo.”Ayuu yidhi Boqorku.