Boqor Bad-Madaw Oo Ku Taliyay,Kuna Raacay Guddoomiyaha Qareenada Somaliland In La Siiyo Reer Sool Kursiga Guddoomiyaha Maxkamada Sarre Ee Bannaan

0
40

Hargeysa (Hubaal) Boqor Axmed Maxamed Xasan (Boqor Bad-madaw) ayaa ka hadlay booska bannaan ee guddoomiyaha maxkamada sarre ee madaxweynuhu dhawaan xilka ka aaday guddoomiyihii hore ee maxkamadda sarre,waxaana uu boqor Bad-madaw ku taliyay isla markaana uu sheegay inuu ku raacsan yahay hadalkii uu guddoomiyaha qareenada Somaliland u soo jeediyay madaxweynaha ee in buuxinta booska guddoomiyaha maxkamada sarre la siiyo gobolka Sool,boqor Bad-madaw isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi

boqor badmadow“taladii uu guddoomiyaha looyaradu soo jeediyay ee uu yidhi kursiga guddoomiyaha maxkamada sarre hala siiyo ree Sool ayaan aniguna ku taageersanahay oo aan ku raacsanahay,waxaanan u soo jeedinayaa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland inuu siiyo kusriga guddoomiyaha maxkamada sarre reer Sool,oo xaq u leh,isla markaana dawladnimadeenu ay ku hanaqaadaysaa taas oo madaxweynuhu qaato” ayuu yidhi boqor Axmed Bad-madaw

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here