“Boobka Dekedda, Waddooyinka, Madaarrada, Korontada Iyo Hantidii Ummaddu Wax La Liqi Karo Ma Aha” Imaam Khadar Gaaxnuug Koosaar‏

0
28

Maalmahan u dambeeyay waxa soo baxayay warar sheegaya in la iibinayo dekedda caalamiga ah ee Berbera iyo Haamaha Shidaalka oo ay ku loollamayeen wasiirro uu ka mid yahay Md Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Cabdicasiis Maxamed Samaale. Wasiirradaas oo shaqadii loo doortay ku beddelay in ay noqdaan dillaaliin dabka saara dantii guud ee ummadda.

Imaam Khadar GaaxnuugSidaa darteed, Berberi waa isha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee Somaliland lahayd. Ma aha meel ay dad gaar ahi qaataan. Berberi way ka weyn tahay meel cid gaar ahi qaadato ama cid gooni ah loo xidho. Hore ayaa loo yidhi “Berberi wax go’ lagu qaado”. Wasiir Xirsiyow adiga iyo qayrkaaba ma xaraashi kartaan.

Arrintani waxa ay noqotay dhaqan. Xukuumad kasta oo sii dhacaysa waxa u caado noqotay in ay xaraashaan hantida ummadda ka dhaxaysa ee asaasiga ah. Tan Siilaanyo waxa ay dheertahay waxyaabihii aasaasiga ahaa sida biyaha, xarumaha caafimaadka iyo korontada oo cid loo xidhay. Iyada oo aynu ognahay in Madaarkii Berbera uu xidhan yahay in muddo ah, oo ay dawladda Kuwaydna ku bixisay lacag gaadhaysa dhawr iyo toban milyan. Halka gegadii Cigaal ee magaalada Hargeysa ay biyuhu fadhiistaan. Dhaqaalaha intaas le’eg ee ay Kuweyd bixisay lama garanayo meel ay ku baxday, waxa ay ku dhacday jeebka askhaas gaar ah.

Sidaas darteed ummadda Somaliland ee maskax ahaan iyo caqli ahaanba caafimaadka qaba, waxa aanu u soo jeedinaynaa in ay ka dhiidhiyaan boobka qaawan ee fashilka ah ee haayadaha gaarka ah loo xidhayo. Iyada oo aynu ognahay biyo-la’aanta baahsan ee ka jirta Hargeysa iyo Gobollada Somaliland guud ahaantood bari iyo galbeedba.

Iyada oo aynu ognahay in Wasiir Xirsi markii uu ku fashilmay haayaddii waddooyinka uu yidhi “waan wareejinayaa” markii uu qaatay wixii dhaqaale laga ururiyay gude iyo dibadba sida nusasaacaha carruurta, danyarta suuqa ku iibiya khudradda ee cashuurta la il-darnaa, qurbe-joogga, ciidammada, shaqaalaha dawladda iyo dadka oo dhan. Iyada oo aanay jirin hanti-dhawr iyo cid ka xisaabisay sida uu wax u maamulay iyo cid la ogeyd midnaba. Isla markaana waddadii Ceerigaabo ee gudo iyo dibadba dadka lagu baadhay ay ka samaysmeen wax ka yar laba kiiloomitir, taas oo ah fashil caddaan ah.

Taas aawadeed, Xukuumadda Siilaanyo waxa aanu uga digaynnaa in ay joojiso xaalufinta ay ku hayso hantidii danta guud sida imakaba muuqata.

 Imaam Khadar Gaaxnuug Koosaar

Imaamka Guud ee Beelaha Somaliland

Caasimadda Hargeysa

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here