Xukuumada Oo Soo Bandhigtay Qorshe Ay Ugu Talo-gashay Ka Faa’iidaysiga Biyaha Roobka+Farriinna U Dirtay Bulshada
“Waxaanu Ku Talo-galnay Dhaamam Saxan Oo Tijaabo Ah oo LAug Soo Wareejiyey Taar aan loo dhawaanin, Dadkana Waxaan Leeyahay guryaha waad dhistaan Uun Ee Qorshaha Ugu Dara Berkad Dhulka Hoostiisa Ah” – Saleebaan Koorre, Wasiirka Biyaha Somaliland
Hargeysa(Hubaal):-Xukuumada somaliland ayaa soo bandhigtay qorshaha uga yaalla ee lagaga faa,iidaysanayo biyaha roobka. Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in bulshada looga baahan yahay inay ka faa,iidaystaan biyaha isla markaana ay qabsadaan waxaanu yidhi “Waxa la ogyahay in xilli roobaadkii bilaabmay, Hargeysa biyihii habeen hore ka baxay ee majaroorka iyo meelaha kale ee biyaha laga helo qulqulayey ee sida aan haboonayn ugu dhacayey meelo aan ku haboonayn waxay dadka aqoonta u leh biyuhu ay sheegeen inay Hargeysa ku filnaan lahaayeen mudo laba sano ah, sidaas darteed aqoonta biyuhu waxay ina faraysaa inaynu qabsano biyaha qulqulaya dhulka korkiisa, haddii aynu biyahaas qabsano culayska biyo la,aaneed ee Hargeysa ka jiraa muu yimaadeen.”ayuu yidhi wasiir Saleebaan Cali Koore oo Shalay la hadlay HCTV.
Sidoo kale wasiirka biyaha somaliland ayaa intaas raaciyey “Markaa dadka waxaan leeyahay guryaha waad dhistaan, hoteladadna waad dhistaan qorshaha ugu dara inaad barkad dhulka hoostiisa ah u samaysataan guryihiina iyo hudheeladiina si aad ugu qabsataan biyaha idin dhaafaya taas oo yaranaysa baahida biyaha ee guryaha iyo hudheelada.”
Wasiir Saleebaan Cali Koore ayaa soo bandhigay qorshaha uga yaala xukuumada biyaha qulqulaya wakhti roobaadka waxaanu yidhi “Qorshe weyn ayaanu ka leenahay, xukuumad ahaana waxaanu ku tala galnay dhaamam tijaabo ah oo aanu dadka ku tusayno in dhaamam la qabsan karo, kuwaas oo aanu ugu tala galnay inaanu gobol kasta ka dhisno xabad ay dadku daawadaan si ay ugu dhiiradaan inay biyaha qabsadaan, hay’ado badan oo aanu ka wada shaqaynaynaana way jiraan,Waxaanu dhisaynaa dhaamam caafimaad ahaan saxan oo biyahoodu nadiif yihiin oo aan loo dhawaan kuwaas oo leh taangi iyo taarkii lagu soo wareejinayey.”