Wadhidii Ciidda + Waraabeynta Xukuumadda + Wirta Shacbiga iyo Wel-welka nabad-gelyo-darada..Warbixin: by. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Hubaal)-Magaalada Berbera ee Caasimada Gobolka Saaxil, waxa cirka isku shareeraysa diidmada looga soo horjeedo qorshaha dawladdu ku wareejinayso Haamaha Kaydka Shidaalka, waxgaradka Gobolka ayaa sidaas u sheegay Wariyaasha Gobanimonews.
Guux iyo dhaqdhaqaaq xooggan oo iska soo horjeeda ayaa laga dareemayaa Magaalada, waxaana qayb ka ah xubno kamida Golaha Xukuumadda oo ololle ugu jira sidii ay taageero ugu heli lahaayeen qorshaha lagu wareejinayo Haamaha Shidaalka.
Laakiinse isku dayga xukuumadda waxa lidi ku ah oo qarka u saaran inay ka dhashaan kacdoon iyo iska hor-imaad, Xarraarada qaybaha Bulshada ku dhaqan Magaalada Caasimada ah iyo deegaamada hoos-yimaada oo meel adag ka taagan wareejinta Haamaha, isla markaana aanay marna dhegahooda maraynin fariimaha uga imanaya Xukuumadda iyo daneeyayaasha kale ee dabada ka riixaya qorshaha Wareejinta Haamaha.
Dad la xidh-xidhay
Waxa xabsiga loo taxaabay hogaamiyeyaal bulsho oo waxgaradka deegaanka mida, Wariyeyaal iyo ashkhaas kale oo ay ku jiraan Xisbiyahanno gobol. Guud ahaanba waxa gobolka saaran culays dheeraad ah oo ay ciidamada ammaanku qayb ka yihiin, waxaana hanjabaad iyo cago-juglayn handidaad ah loo gestay dad kale oo rayida. Wariyeyaal ayaa guryahooda Booliska RRU-du u daadteen, balse aanay u suurto gelin in la qabto, kuwo kalena waxa la sheegay inay Magaalada dibada uga baxeen cabsi darraadeed.
Awoodda Ciidan ee Magaalada Berbera waxa barbar socda Bandoow habeennada lagu soo rogay Magaalada, taasoo iyaduna sii cakirtay xaalada degenaanshiyo la’aaneed ee Magaalada.
Sababta kacdoonka
Sidaasoo ay tahay, Dadka ka soo horjeeda Kireynta Haamaha, ayaa waxay u muuqdaan kuwo nafta u huraya difaacida Mashruuca danta guud ah ee ay dawladdu ku wareejinayso ganacsatada.
Dhaqdhaqaaqa Dawladda iyo Laaluushka
Maareeyaha Dekeda Berbera iyo xubno kamida Golaha Wasiirrada oo daadejinta hindisaha dawladdu wadato olole ugu jira ayaa isku dayay inay shacbiga kala xadaan, isla markaana si uun ugu qanciyaan qorshahooda.
Guddoomiyihii Gobolka Fahmi Cabdi Bidaar ayaa isagu debada ka jooga xaalada Gobolka ka alloosan, waxaanu maalmahan CIIDA Fasax ku joogaa Magaalada uu ka soo jeedo ee Boorama, taasina waxay mujtamaca tusaysaa in dhaqdhaqaaqyada ka socda Magaalada Berbera ay maamulayaan dad gaar ah oo ay xukuumaddu u xilsaartay meel-marinta qadiyada ay wadato.
Lacag Laaluush ah oo dadka lagu kala xaddayo ayaa la wariyey inay meelaha qaarkood ku qaybiyeen Maalmihii la soo dhaafay. Laakiinse dadka badankiisu wuxuu u fasishay talaabooyinka ay qaadayaan mid aan laysu joojinayn oo xoog laysku muquuninayo.
Khilaafka wareejinta Haamaha Shidaalka
Wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka waxa go’aan Mooshin ku laallay Golaha Xeer-dejinta ee la soo doortay, kaasoo dayaaqadii bishii August la horkeenay qaraar looga soo horjeedo Wareejinta Haamah Kaydka Shidaalka.
Go’aanka Golluhu ku laallay arrintaas waxa isna diidmo cad kaga jawaabay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo amar dib uga laabasho ah golaha soo faray, taasoo Guddoonka Goluhu ku celiye iyadoo aan wax dood ah laga yeellan.
Celinta go’aanka Madaxweynuhu waxa uu sababbay inay Madaxtooyadu dejiso shax kale oo ay ku meel-marinayso go’aan golle oo fasaxaya heshiiska Wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka, waxaana horaantii bisha la unkay Mooshin kale oo fasaqaya kii hore ee golluhu ku laallay wareejinta Maamulka Haamah.
Si kastaba ha ahaatee Mooshinka labaad ee ay xildhibaanada xukuumadda taageersani golaha horkeeneen, ayaa buuq iyo gacan ka hadal ka dhex abuuray Golaha dhexdiisa, siiba Shir-guddoonka Golaha oo fadhigii ugu dambeeyey ku dagaalamay Mudaneyaasha hortooda, kaddib markii Guddoomiyaha Golluhu ku dhawaaqay inaan laba mooshin oo isku lid ah ama mashruuc qudha wada khuseeya Golluhu go’aan kaga gaadhi Karin Kal-fadhi qudha, sidaas darteed Mooshinka lagu nasakhayo kii hore golluhu u coddeyn doono Kal-fadhiga dambe.
Yooyootan isla fadhiga Guddoomiyuhu arrintaas ka jeediyey ku dhex maray isaga iyo ku-xigeenkiisu wuxuu sababay in laysku qabsado golaha hortiisa, kaddibna uu gacan qaad yimaado, golluhuna gallo xaalad loo hakiyo fadhiyadii u socday ilaa heshiis iyo turxaan bixin la samaynayo.
Isku soo wada duuboo, dabeysha xiisada ka aloosan Magaalada Berbera, oo ah mid wajiyo kala gedisan ku fool-yeellatay, waxay madaxa la gashay marxalad sababi karta xaalad amni-daro oo saameynaysa dhinacyo kala duwan, taasoo abuuri karta kala-dambeyn la’aan, sharci ku tumasho iyo iska caabin gacan ah oo dawladda lagala hor-yimaado, hadii talaabooyinka dhafoor-taabashada ahi sii socdaan. Dadka u dhuunta daloolla amuurahani waxay aad uga wel-welsanyihiin natiijada dhaqdhaqaaqyada socda labadii maalmood ee u dambeeyey oo sida ay sheegayaan xambaarsan xasarad aad u miisaan culus.
Saleeban Abdi Ali
Gobanimonews
Email: editor@gobanimonews.com