Berbera: Khilaaf gacan ka hadal gaadhay oo ka taagan Maxjar sadexaad iyo Xukuumadda oo Ciidamo xalay u dirtay

0
35

Berbera(Hubaal) khilaaf muddo soo jiitamayey oo u dhaxeeyey shirkadda Deero iyo ganacsato Xoolaha dhoofisa ayaa shalay qarxay kadib markii ay shirkadda Deero burburisay Maxjarka sadexaad ee Berbera, kaasoo la dhisay dhawaan.

Wararka ka soo baxaya Berbera ayaa sheegaya in shirkadda Deero galisay rag kuwaas oo burburiyey Maxjarka, taasoo sababtay in Ganacsatada Maxjarka lihi ay iyana isa soo abaabusho si ay u difaacato.

maxjarXaaladd cakiran ayaa ka dhalatay talaabadan lagu burbiriyey Maxjarka, waxaana laga cabsi qabaa in iska hor imaad hubaysani ku dhex maro labada dhinac deegaanka Maxjaradoodu ka dhisan yihiin, hase yeeshee waxa socday tan iyo shalay dedaalo lagu kala dhex galayo labada dhinac.

Xukuumadda Somaliland ayaa bilowday dhaqdhaqaaq ciidan oo ay ku xakamaynayso xaaladda Maxjaradaasi, waxaana xalay laga dareemayey magaaladda Hargeysa ciidan xoogan oo RRU ah oo ka sii ambabaxayey Hargeysa isla markaana ku waajahnaa Berbera.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Xukuumaddu amar ku bixisay in gacanta lagu soo dhigo dadkii burburiyey Maxjarka Sadexaad, si gacan bir ah loogu qabto xaaladda cakiran ee taagan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here