Nairobi, (Hubaal)-Wakiiladda beesha caalamka u fadhiya caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa kulamo ka yeeshay xaaladda doorashooyinka Somaliland, isla markaana isla qaatay talaabooyin ay ugu tala galeen in laga qaado shakhsiyaadka caanka ah ee carqaladda ku ah in doorashooyinku ku dhici waayaan waqtigoodii, haatana u xusul duuban suuragelinta muddo kordhin siyaasiya oo dalka fawdo gelin karta.
Siday illo diblomaasiyadeed oo arrintan u dhuun dalloolaa u sheegeen wargeyska Ogaal, wakiiladda dawladaha deeqda bixiya iyo masuuliyiinta hay’adaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi ayaa kulamo ay dhawaan ku yeesheen Nairobi waxay isla-qaateen in cunaqabayn iyo xayiraad lagu soo rogo cidkasta oo ay ku cadaato inay caqabad hordhigayso hawlaha doorashooyinka Somaliland.
Waxa kale oo kulankaasi lagaga hadlay dadka la tuhunsan yahay ee loo badaniyo inay ka soo horjeedaan doorashadda, kuwaasoo ay ka mid yihiin wasiiro ka mid ah kuwa ugu awoodda badan golaha xukuumadda, xildhibaano golayaasha ka tirsan oo lagu naas nuujiyo qandaraasyo si sharci darro ah, ashkhaas aan xilal toos ah ka haynin dawladda, balse haddana ka mid ah darawaladda talada dalka, qaybna ka ah musuqmaasuqa halakeeyay xukuumadda.
Xubnaha la tuhunsan yahay inay bud dhiga u yihiin burburinta geedi socodka dimoqraadiyadda dalka, ee xoguhu tibaaxeen in beesha caalamku isha ku hayso oo tiradoodu gaadhayso tobaneeyo masuul, laba ka mid ah ayaa haween ah, kuwaasoo loo tirinayo inay maroorsadeen taladdii. Xogahaasi waxay intaa ku dareen in badi dadka hor taagan dhicitaanka doorashadu ay yihiin qaar haysta baasabooro reer galbeed ah, sababtaasina ay tahay ta dabada ka riixaysa.
Qaar ka mid ah qaybaha kale ee saxaafadda Somaliland ayaa iyana faafiyay warar amuurtaa la xidhiidha.
Dhinaca kale dibu dhaca doorashooyinka ayaa weji gabax caalamiya ku ah soomaaliland, isla markaana wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ku dadaalaya badbaadinta sumcadda dibadeed ee dalka ayaa laftiisu qiray in dibu dhaca doorashadu dhaawac ku yahay wejiga Somaliland.