“Beesha Caalamka Ayaa Somaliland Baylihisay, Waxay Sii Dishay Markii Ay Dal Aan Jirin Oo Shaqaynin [Soomaaliya] Ictiraafeen”

0
25

Guddoomiyaha UCID Oo Ku Canaantay Beesha Caalamka Inay Indhaha Ka Qarsadeen Xuquuqda Qaranka Somaliland

Hargeysa (Hubaal) guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Feysal Cali Xsueen (Feysal Cali-waraabe) ayaa ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay dib-ula-soonoqashada madax-bannaanideeda oo haatan laga joogo muddo 27 sanno.

Eng. Feysal Cali-waraabe oo khudbad ka jeediyay shirweyne lagu gorfeynayay guulihii Somaliland ku tallaabsatay iyo caqabada horyaalla waqtigan oo shalay lagu qabtay magaaladda Hargeysa, ayaa sharaxay hannaanka ay Somaliland kusoo gaadhay halka ay maanta joogto, waxaana uu yidhi;  “27 sanno waxa la qirayaa haddaanu nahay Somaliland in aannu nabadsamaynay, in aannu nidaam iyo kala kala dambayn leh samaynay, in aannu haykal dawladnimo. Laakiin 27 sanno kadib waxay su’aashu tahay, maxaynu nahay, xaggeeynu joognaa. Waxaynu nahay maanta ummad qaybsan (broken society), waxaynu nahay ummad shicibkoodu aannu haysan adeegyadii aasaasiga ahaa (puplic service), waxaynu nahay maanta ummad dalkeeda saddex meelood laba meel laga sheegay dhul laysku khilaafsan yahay (disputed erea), waxaynu nahay maanta dal ammaankiisu iyo sharcigiisa ka shaqaysan dhulka Jamhuuriyadda Somaliland ee taariikhda lahaa, waxaynu nahay maanta ummad adduunka meel kaga xidhan oo dayrshay, toban sanno kahor halkaynu joognay, tusaale ahaan 2010 halkaynu joognay iyo 2018 marka laysu eego adduunka waxaynu caan ku ahayn 2010-kii oo ay innoo dhaweyd ictiraafkeennu.”

Eng. Feysal Cali-waraabe waxa uu soo jeediyay in loo baahan yahay  in dib laysu abaabulo, lasoo celiyo midnimadii dadka oo wax laga badalo dhabbihii hore isla markaana lala yimaado waddo kale oo cusub oo ay Somaliland bulshada caalamaka kula macaamishi. “Somaliland waxay u baahan tahay inay dib-isu-abaabusho, midnimadii lasoo celiyo, dadka la mideeyo, wixii innoo taagan oo dhan laga wadashaqeeyo, Somaliland waxay u baahan tahay inay badasho waddadii hore ee madhalayska ahayd oo ay lala yimaado waddo kale oo cusub oo aynu kula macaamilno bulshada caalamka, waxa loo baahan yahay Somaliland inay albaabada furto, aannay ka xishoonin meelkastaba inay u marto ictiraafkeeda.” Ayuu yidhi

Feysal cali-waraabe waxa uu dhaliilo u jeediyay beesha caalamka oo uu sheegay inay baylihiyeen Somaliland oo ay lugta u qabteen Soomaaliya oo uu ku tilmaamay meel nidaam iyo shaqo ka jirin, “Somaliland waxa baylihiyay beesha caalamka, waxay sii dishay markii dal aan jirin oo shaqaynin ay ictiraafeen (Soomaaliya) ay yidhaahdeen waa dawlad jirta. Waxaynu u baahan nahay innaynu xoog saarno sidii aynu bulshada caalamka arrinteenna (Qadiyada Somaliland) uga iibin lahayn. Somaliland waa sharci, sharcibay ku dhalatay 1960-kii isla sharcibay kula kulantay, sharci baanay kaga baxday midnimadii Soomaaliya 1991.” Ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here