Banaan-bax Lagaga Soo Horjeedo Munaasibad Xukuumadda Lagu Taageerayo Oo Hargeysa Ka Dhacay

0
20

Hargeysa(Hubaal)-Boqolaal qof oo ka mid ah bulshada Gabooye, ayaa maanta iskugu soo baxay Magaalada Hargeysa, si ay u deedafeeyaan Munaasibad Xukumaddu ku qabatay Hargeysa oo ay ku sheegtay inay Beesha Gabooye Taageero ugu muujinayso Xukumadda iyo Xisbigeeda.

banaanbaxDadweynahan oo Madaxdhaqameed Miisaan leh oo ay ka mid yihiin Boqorka Beelaha Gabooye iyo Suldaan Daakir ka dhex muuqdeen ayaa ku dhawaaqayay hadalo ay kaga soo horjeedaan Xukumadda Siilaanyo iyo Xisbigeeda kuna taageerayaan Xisbiga Waddani oo Beeshu dhawaan ku biirtay.

“Dadku markay dhoofayaan ee dal ay ku dhibaataysan yihiin ka tagayaan ama Tahriibayaan waxay isku dhiibi jireen Magaca Gabooye ama Midgaan, taasna annagu waanu soo dhawayn jiray Umad dhibaataysan oo isku dhiibaysa Magacayaga, laakiin, Xukumadda maanta jirta iyo Xisbiga Kulmiye waxay keeneen inay Umad aan Gabooye ahayn Urursadaan oo ku shiriyaan Magaca Gabooye oo ay yidhaahdaan waa Gabooye”

Suldaanku waxa uu sheegay in Bulshadoodu u diga rogatay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani markii ay xuquuqdeedii ka wayday Xukumadda Kulmiye “Umadda Somaliland waxaanu leenahay, haddaanu nahay Madax dhaqameedkii Umaddan, haddaanu nahay Madaxdhaqameedkii Beesha, dadka maanta halkaas lagu duufsaday ee la kaxaystay Umaddayada maaha. Shakhsiyaad baa nagaga jira, intaana hore ayaanu u sheegnay oo Xukumadda Albaabadeed qaar baa iska taagtaagan oo quudaraynaya, kuwaana waxaanu leenahay waar hadday Xukumaddu faa’iido leedahay maxay wax idiin sii waayeen ee u odhan waayeen waxaas qaata. Hadday albaabada idinka soo xidhanayaan markay idinku danaystaan, waxay idin siinayaana waa Shilimaad” ayuu yidhi Suldaan Daakir

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here