INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Alla ha u naxariistee waxa goor dhaweyd cusbitaalka guud ee Hargeysa ku geeriyootay Marxuumad Amran Sheekh Cali oo ah hooyada dhashay suxufi Madar Cabdi Maxamed guddoomiyaha wargeyska madaxa-bannaan ee Himilo. Marxuumada ayaa in muddo ah xaalad caafimaad daro ugu jirtay cusbitaalka guud ee Hargeysa
Dhammaan bahda Hubaal Media Network waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii iyo qaraabadii ay ka baxday marxuumadu,gaar ahaan guddoomiyaha wargeyska Himilo Madar Cabdi oo aanu si gaar ah tacsidan ugu dirayno,oo aanu leenahay Alle haka waraabiyo marxuumada naxariistii Janno,sidoo kalena Samir iyo Iimaan Saadiq ahna haka siiyo ehelkii,qaraabadii iyo qoyskii ay ka baxday.. Aamiin…. Aamiin