Badhasaabka Gobolka Awdal Oo Sheegay In Dhinaca Itoobiya Loo Tallaabiyay Gaadhigii Kastamka Gobolku Lahaa Ee Shalay Dableydu La Baxsatay

0
36

Boorama (Hubaal) Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ka hadlay gaadhi uu lahaa Kastamka Magaaladda Boorame ee xarunta Gobolkaasi oo shalay ay la baxsadeen koox la aamin san yahay inay taabac san yihiin fallaagada Suldaan Wabar, kuwaas oo ay ciidanka amaanku ku daba jiraan.

 ramaax

Gaadhigan oo ahaa nooca loo yaqaanno xaajiyadda, ayaa la kaxaystay shalay subaxdii, kaas oo wakhtigaasi la sheegay inuu ku guda jiray kurista shaqaalaha Kastamka Magaaladda Boorame ee Wasaaradda Maaliyadda, isla markaana ay kaxaysteen rag uu guddoomiyuhu sheegay in la garanayo cidda ay yihiin, kuwaas oo ula tallaaabay dhinaca dalka Itoobiya

Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa uu sheegay in ragaasi ay markii hore gaadhiga ku kaxaysteen darawalkii waday, balse ay darawalka iskaga reebeen xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya oo ay gaadhigii oo keliya kaxaysteen, isaga oo meesha ka saaray warar sheegaya in ay lacag ka dheceen nimankaasi kastamka Magaaladda Boorame.

Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Gaadhigaasi waa gaadhigii Maaliyadda oo niman ayaa kaxaystay, waana lagu daba jiraa oo dhakhso ayaan war buuxa idinka siin doonaa, dad ayaana loo qabtay oo hadda war buuxa kama bixin karo hawshaas, waxaanuu ahaa gaadhigii shaqaalaha qaadayey ee cashuuraha wasaaradda maaliyadda boorame, waana wax iska dhaca aduunka”

Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo ka jaabayey su’aal ahayd in ay jirto cid lagu kaxaystay gaadhigaasi, waxa uu yidhi “Waxa lagu kaxaystay inankii Darawalka ahaa oo markii uu is yidhi shaqaalihii qaad ayey kua kaxaysteen, boolisku way eryadeen oo dhanka xuduudka ayey kala tallaabeen darawalkiina halkaas ayey dhigeen, waxaana kaxaystay inan yar oo la garanayo iyo dhawr nin oo la socday ayey ahaayeen, waana la baadhayaa oo hawshu way socotaa”

Guddoomiye Ramaax oo aanu waydiinay inay jirto lacag ay nimankaasi ka qaateen kastamka Boorame, ayaa waxa uu ku jawaabay “Maya wax ka jiraa ma jiraan wax ay qaateen ma jirto”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here