BADHASAAB: Eray Macna Aanu Lahayn La Siiyey-Qalinkii: Sh.Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

0
51

Mar kasta oo is dhex gal bulsho yimaado waxa la kala ergistaa amase la kala aamanaysta ereyo adeegsi leh, ha ahaado shay kugu cusub in aad magac bixin u waydo; sidaas ajligeedna magaci uu sitay ee afka qalaad ku suntana aad u isticmaasho, amase ilbaxnimo inta aad u qaadato sidaa ku adeegsato erayga.

rakuubInta badan markii aynu ummadaha aynu kala dhaqanka iyo afka nahay is dhex galnay, ayeynu soo waaridnay ereyo inagu cusub oo aan ahayn ereyo ku jiray luuqaadeena hooyo. Kuwaas oo ay ino keenen shayadii inagu cusbaa ee aynu u waynay eray bixin, amase sidaa ku qaadanay. Afaf door ah ayeynu kalmado ka ergisanay, kuwaas oo ahaa dalalka jaarka iyo qaar inaga durugsan. Kuwaas oo aynu isku dhex galnay; ganacsi, inaynu dalalkooga u shaqo tagnay, iyo ereyo badan oo aynu ka dhaxalnay guumaystayaashii reer Ingiriis iyo reer Talyaani.

Erayo badan oo kuwa shaqada ah ayeynu ka ergisanay gumaytayaashi, ma daama ay ahayeen jare-barayasheeni dawladnimo. Taaso ay kaliftay erayadii aynu so ergisanay inay la fal-galaan luuqadeeni hooyo. Dabadeed ay adkaatay sidi lo kala miiri lahaa; erayada asal ahaan luuqadeeni ah  iyo erayada laso ergistay, khaas ahaan jilashi dambe ay ku adkaatay kala garashaada labadaa is dhex galay.

Inta badan erayada lasoo ergisan jiray waxa ay ahayeen qaar ka turjumaya shaygaa magaciisa; tusaale ahaan Baabuur, Gaadhi, Banjar, Laan-gadhe iyo Bilaydh asal ahaan waa af Hindi, hase ahaate si ayeynu u wada is ticmaalna erayada.

Ujeedada qoraalkaygu waxa weeye kalmado aynu u is ticmaalno si ayey iyaguna u is ticmaalan si kale, taas oo ah asal ahaan halkeey inagaso gashay kalmadu haddii aanay kuwi lahaaba sida aynu u isticmaalno aanay u isticmaalayn.

Inagu ninka madaxda ka ah magaalada waxa aynu nidha Duq, ninka gobolka madaxda ka ahna waxa aynu nidhaa gudomiye gobol, waxa kale oo aynu u isticmaalna Badhasaab, hadaba erayga badhasaab asal ahaan halkee ayu kaso jeeda iyo inagu halka aynu u adeegsano malo adeegsada, taas ayeynu u banbixi doona.

Erayga ah Badhasaab, asal ahaan waa af Hindi; waana laba eray oo isa saraan, erayga Badha waxay u yaqanaan luuqadooda weyni. Halka eraya Saahab u isticmaalan Mudane. Marka laysku dhufto labada eray waxa uu macnahoodu noqonaya Badha-Saahab oo luuqadeena la macno ah mudanihii wayna. Inagu marka aynu erayga Saahab odhanayno waxa aynu nidhaa Saab, kaaso aynu ka reebno xarafka H.

Laga yaaba in aad tidhaa mar haddii ay u yaqanaan iyagu mudanihii wayna dee ka gobolka haystaa maanu noqonayn muudanihii wayna, ileen ka dalka haystaba waynaga nidhaa madaxweyne.

Marka luuqada Hindiga laga hadlayo sida ay ii xaqijiyeen ardaydeeni wax kuso baratay dalkaa, waxa ay afkooga ku ydihaahdaan gudomiyaha gobolka Governer, ama Chief Minister. Labadaa eray oo qudhooduba soo ergisteen asal ahaana gumaystihii gumaysan jiray ee Ingiriis luuqadiisi ay tahay.

Waxa yadna is waydiin leh dalka Hindiya waa ummad fac weyn’e maan la odhan Karin gumaytihii Ingiriis horti ayey is ticmaali jireen eraygan, oo gumaystaha ka dooriyey. Yadna waa su’aal meesha taal.

Isku so xooriyo erayga Badhasaab wakhti xaadirkan waa eray aan macna aanu lahayn sita. Taasna waxa aan u leeyahay haddii la leeyahay eraygu wuxu inaga so galay dalka Hindiya, maxay iyaguba ugu isticmaali waayeen halka aynu u isticmaalno, sida eryada kale ee aynu kaso ergisanayba wali ay u isticmaalan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here