Muqdisho (Hubaal) Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhowayd cod aqlabiyad ah ku oggolaaday in muddo toban casho ah loo kordhiyo muddada uu Ra’iiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid kusoo dhammaystirayo Golihiisa Wasiirrada.
Codaynta ayaa ka dambaysay dood uu manata yeeshay baarlamaanku kadib markii uu khudbad u jeediyey Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka ah Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo isagu hortegey golaha shacabka.
Goordhoweyd ayay soo geba-gebawday codayntu waxaana oggolaaday muddo kordhinta 139 xildhibaan halka 47 xildhibana ay diideen iyadoo 4 kalena ay ka aamuseen.