Golaha Senate-ka Maraykanka ayaa qaaday tallaabadii ugu horeysay ee uu meesha kaga saarayo barnaamijka caafimaadka ee uu hirgeliyay madaxweyne Obama, kaasoo loo yaqaano Obamacare.
Xubnaha senate-ka ayaa saacado badan ka doodayay arrinkaasi, waxaana markii dambe ay u codeeyeen tallaabo lagu laalayo barnaamijkaasi, taasoo la filayo in maalmo gudahood la horgeeyo golaha wakiillada.
Waxaa la filayaa in go’aanka kama dambeysta ah ee meesha looga saarayo Obamacare uu Congress-ka Maraykanka gaadhi doono horaanta bisha soo socota.
Xisbiga Jamhuuriga ayaa mudnaanta koowaad siiyay sidii uu u laali lahaa Obamacare, balse waxaa jira walaac ah in aanu hadda diyaar ahayn barnaamij lagu bedelayo.
Obamacare ayaa adeegga caafimaadka gaadhsiiyay malaayiin shacabka Maraykanka ah oo aan hore u haysan, balse waxaa sare u kacayay kharashaadka ku baxa barnaamijkaasi.
			
























