Baanka Dhexe oo kulan u qabtay ganacsatada si kor loogu qaado qiimaha lacagta shillinka Somaliland iyo ballanqaadka baayac-mushtarku sameeyey
Hargeysa (Hubaal)- Baanka Dhexe ee Somaliland, ayaa ka hadlay sababaha dhaliyey hoos-u-dhaca ku yimi qiimaha lacagta dalka iyo kor-u-kaca sarrifka dollarka oo abuuray sicir-barar baahsan muddooyinkii u dambeeyey.
Masuuliyiinta Baanka Dhexe ee Somaliland oo kulan lagu gorfaynayey sidii sare loogu qaadi lahaa qiimaha lacagta shillinka Somaliland ugu qabtay ganacsatada kala duwan ee dalka huteelka Maansoor ee Hargeysa maanta, waxay sheegeen in sababaha hoos u riday lacagta waddanku tahay kadib markii laga door-biday dollarka Maraynka, taas oo keentay in isticmaalka iyo shaqada shillinku yaraato.
Kulankaasi oo ay ka qaybgaleen inta badan shirkadaha waawayn ee ganacsiga, huteellada, dugsiyada waxbarashada ee gaarka loo leeyahay, waxa lagu boorriyey inay xoojiyaan isticmaalka lacagta Somaliland si ay u noqoto mid ka qiimo badan lacagaha qalaad, isla markaana wax looga qabto sicir-bararka saameeyey maciishadda.
Agaasimaha Baanka Dhexe ee Somaliland Mr. Cabdillaahi Xasan Aadan oo shirk aka hadlay, ayaa sheegay in ay dadaal wayn ugu jiraan sidii kor ugu qaadi lahaayeen qiimaha lacagta shillinka Somaliland oo sida uu dhigayo dastuurka ah lacagta sharciga ah ee uu leeyahay dalku ee wax lagu kala iibsanayo ee ku wareegaysa guud ahaan waddanka iyo dadka dhexdiisaba, isla markaana masuuliyad waajib qaran ahi ka saaran tahay ilaalinteeda.
“Qodobka 38-aad ee dastuurka dalku waxa uu sheegayaa in lacag kasta oo shillinka Somaliland ah oo wax dusha lagaga qoray ama jeex-jeexan ama la dal-dalooliyo inuu qaato Baanku oo uu gubo, wax mag-dhow ahna aannu ka bixin. Arrimahaas oo dhan waxaan u sheegayaa inuu shillinka Somaliland yahay mid sharfan oo waajib ay tahay inuu ka shaqeeyo gudaha Somaliland,” ayuu yidhi Agaasimuhu.
Waxa kaloo uu tilmaamay in sicir-bararka ugu badan ee dalka ka jira ay keento lacagta dollarku, waxaannu shacabka Somaliland ugu baaqay inay ahmiyad wayn siiyaan isticmaalka shillinka, “Daraasad uu Baanku sameeyay oo uu u kuurgalay, waxa uu shillinka Somaliland qiimo u yeelanwaayey, una shaqaynwaayey waxa muuqata inuu yaraaday, meeshana ka baxay lacagtii Somaliland,” ayuu yidhi Md. Cabdillaahi Xasan Aadan.
Guddoomiyaha Runta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri, ayaa ka marag-kacay inay waajib tahay in lacagta Somaliland kor loo qaado, maadaama dal walba waxa dhaqaalihiisa kordhiya uu yahay shillinkiisa, isla markaana lacagta qalaad ee dollarka ugu horreeyaa kow ka tahay sicir-bararka, waxaannu shacabka ugu baaqay inay qiimo u yeelaan lacagtooda.
Drs. Aadan Aadan Ismaaciil, ayaa soo jeedisay in dadaal aan loo kala hadhin lagu wajahano kor-u-qaadida qiimaha lacagta Somaliland, waxaanay tidhi, “In aynu guntiga dhiisha iskaga dhigno ayaa loo baahan yahay, si aynu u noqono dal madaxbannaan oo lacagtiisa iyo hawlahiisa u madaxbannaan. Dadku lacagtan badan ayey diiddan yihiin malaha ee taasna waa la iska soo yarayn doonaa waana la iska gaadhi doonaa.”
Guddoomiye-ku-xigeenka Baanka Somaliland iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, ayaa iyaguna si isku mid ah qaybaha bulshada uga codsaday inay isticmaalaan lacagta shillinka Somaliland, taas oo wax ka beddelaysa nolosha waddanka iyo sicir-bararkaba.
Dhinaca kale, wakiillo ka kala socday shirkadaha waawayn ee ganacsiga, huteellada, dugsiyada, carwooyinka iyo sarriflayaasha Somaliland, ayaa hadallo ay madashaasi ka jeediyeen ku ballanqaaday isticmaalka iyo ka shaqaysiinta lacagta waddaniga ah, iyago shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil Group si gaar ah u soo dhaweeyeen adeegsiga lacagta shillinka oo iyaguna ku fulin doonaan adeegyada bulshada u qabtaan.
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Md. Cabdilaahi Xaaji Jaamac Cali, ayaa tilmaamay inay wadaan qorshe lagu yareeyo xaaladda sicir-bararka ka jira dalka oo uu ka dayriyey cawaaqib-xumada ka dhalan karta haddaan wax laga qaban, waxaannu yidhi, “Baryahan dambe waxaannu ku jirnay wahadal aannu shirkadaha la lahayn iyo shirar badan oo aannu xagga dawladda wada wadnay si aanu hoos ugu dhigno sicir-bararka cirka isku shareeyay oo hadday xaaladdiisu sidan ku sii jirtana ay nabadgaliyadu wax noqonayso, waayo boob iyo dhacna ayaa imanaya, si aanay taasi u iman waanu ka dadaalnay intaanay bishani dhammaan in wax uun la isla gaadhno.”
“Hadda shaqaale tahay iyo hadday ganacsade tahayba waa arrin inoo wada taala oo u baahan gurmad culus in aynu u hiilino Qaranka Somaliland iyo lacagteena, haddaydaan garan isticmaalka lacagta oo dollarku sida uu doono ugu tunto waxa berri iman karta shaqaalihii iyo dadkeennii wixii ay qaadan jireen inaannu ku filnaan oo sicir-barar badani inagu dhaco.”
Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim Cilmi oo kualnkaasi soo gebagabeeyey, ayaa sheegay in muhiimada kowaad tahay sidii lacagta shillinka Somaliland loogu hiilin lahaa, taasna loo baahan yahay in laga wada midaysnaado.