Baanka Adduunka oo Deyn $80 Milyan Ah Amaahisay Dawladda Farmaajo Oo Dhaqaalle Burbur La Hagaastay

0
19

Lixdan Milyan Oo Lacagtan Ka Mid Ah Waxa Wax Lagaga Qabanayaa Dib-u-habaynta  Maaliyadeed ee Soomaaliya

Hargeysa (Hubaal) – Guddida Fulinta ee Baanka Adduunka ayaa ansixiyey lacag qadarkeedu dhan yahay $80 Milyan oo Dollar oo wax lagaga qabanayo Kordhinta Dakhliga Dawladda iyo wax ka qabashada caqabadaha Maaliyadeed ee gudaha. Lacagtan ayaa deyn ahaan loo siinayaa Dawladda Soomaaliya, waxaana lixdan Milyan ($60) kamida lacagtan wax lagaga qabanayaa dib-u-habaynta Maaliyadeed ee dalka, halka $20 Milyan loo qoondeeyey xoojinta dakhliga gudaha iyo awoodaha Maaliyaddeed ee gudaha.  Deyntan ayaa ah tii ugu horaysay ee uu Baanka Adduunku siiyo Soomaaliya 30 sanno kaddib markii ay burburtay dawladdii dhexe. Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa la saadaaliyey inuu kordho 3.1%, halka uu sanadkii hore kordhay 2.3%, taasoo rejjo weyn gelisay dadka u kuur-gala Arrimaha Dhaqaalaha dalka. Xidhiidhka Baanka Adduunka iyo Dawladda Soomaaliya ayaa dib u soo noqday sanadkii 2013-kii.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here