“Baadhitaankayaga Kama Sheekayno, Warbaahintanna Uma Soo Bandhigno”

0
32

Hargeysa (Hubaal)  Hantidhawraha guud ee qaranka Somaliland Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud-dheere), ayaa jawaab ka bixiyay warar ay baahiyeen warbaahinta guddaha, kuwaas oo sheegay in shaqada uu xafiiska hantidhawrku u hayo Ummadda ay fadhiid tahay, waxaanu sheegay in xafiiska hantidhawrka guud ee qaranku uu shaqadiisa u guto hanaanka loogu igmaday masuuliyada ay u hayaaan dalka. hanti-dhawr1-300x236Maxamuud-dheere oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa waxa kale uu sheegay in baadhitaano kala duwan ay ka sameeyeen gobolada iyo Degmooyinka Somaliland. “Wargeyska la yidhaahdo Waaheen cadadkiisii 1,54 ee bishan Julay wuu ku sheegay in hantidhawrka guud ee qaranka shaqadiisu fadhiid tahay, runtii waxaad moodaa in aanu xogogaal u ahayn shaqadayada mana garanayo sidaanu shaqada u qabano, intii aanu hawl soo qabanay intii ugu badnayd bay ahayd saddexdii todobaad ee tegay oo todoba Degmo baanu tagnay, dhawr goor gobol baanu tagnay oo baadhitaan culus baanu wadnaa, laakiin baadhitaankayaga kama sheekayno, warbaahintana uma soo bandhigno, waxqabadkayaguna maaha mid iyagu ay muujiyaan ama aanay muujin siday doonaan ha u arkaane. Siday ku sheegeen xafiisku waa mid dhisan oo nidaamkii uu hawsha u qaban lahaa iyo habkii uu baadhista u qaban lahaa iyo noocyada uu baadhitaanka siduu u kala qabtaa waa wax degan oo hore loo dejiyay oo soo jireen ahaa, muddo bil ah ka soo shaqaynaynay weeyaan oo cid hadda noo tilmaamaysaana aanay jirin.” Ayuu yidhi hantidhawraha guud ee qaranka Somaliland  Hantidhawraha guud ee qaranka Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim waxa uu intaas ku daray “Lixidii bilood ee ugu dembeeyay waxay ahayd lixdii bilood ee xafiisku ugu mashquulka badnaa, sida aan idiin sheegay oo gobolada iyo Degmooyinka aanu u kala baxnay oo baadhisiuhu socdaan, markaa waxaad moodaa in aanay aad wax ugu fiisan ama aanay xogogaal badan ahayn. Warka ay sheegeena war xaqiiq ah maaha.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here