Baadhasho Dhul-Jiifnimo Ah Iyo Kufsi-Wadareed Ka Dhacay Hargeysa + Doorkii Laamaha Ammaanka Oo Aad Moodo In Siyaasad Loo Bedelay

0
37

Hargeysa(GNA/Hubaal)-Fallaalka Amni-xumo cabsi shacabka ku beeray, ayaa ku soo badanaya Caasimada Hargeysa tan iyo badhtamihii sanadkii hore, kaddib markii sida la tilmaamay uu gaabis noqday doorkii Maamulka Gobolka iyo Booliska  ee ka shaqaynta ammaanka iyo ka-hortaga kooxaha dhalinyarada ah ee abaabulan.

Dhacdooyinka ugu waaweyn ee Bilihii ugu dambeeyay Magaalada ka dhacay, waxa ka mid ah Kufsi-waddareed bishii December badhtamaheedii ka dhacay Xaafadda Sheikh Nuur ee Degmada Gacan-libaax, kaasoo ay Koox dhalinyaro ahi kula kacday  Gabadh 16 jir ah oo Ardayad ah.

booliskaSida ay xaqiijiyeen Ehellada Gabadhan  Kufsi-wadareedka loo geystay, Kooxda Dhalinyarada ah ee falka geystay oo tiradooda lagu sheegay 9 Nin, ayaa waxay  xilli fid ah ka qaateen iyadoo meel waddo ah maraysa, kana soo  rawaxday goob waxbarasho, iyagoo la galay meel Doox ah, kaddib markii ay naxdintii qabashada suuxday.

“way suuxi jirtay gabadhu markii hore, dabadeedna markii ay qabteen ayay suuxday, sidiibay dooxa kula galeen, dabadeedna mar dambe ayay soo miirowday iyadoo ay haystaan, markii ay qalisayna way ka yaaceen” sidaasi waxa GNA  u sheegay Cabdi Maxamuud oo ka tirsan Qoyska Gabadha Kufsiga loo geystay.

Waxaanu intaasi ku daray “ siddeed ka mid ah waa la qabtay, midina wuu baxsaday, Kiiskiina wali waxa gacanta ku haya C.I.D-da” ayuu ku sii warbixiyay Mr. Cabdi.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka dambi-baadhista oo la xidhidha Kiiska Kufsi-wadareedka ah, hase ahaatee eheladda Gabadha, ayaa intaasi ku daray inay Gabadha waxyeello gaadhsiiyeen dhalinyaradu, isla markaana aan wax natiijo ah ilaa hada laga siinin baadhitaan Caafimaad oo ay ku sameeyeen gabadhan  laamaha ammaanka iyo kuwa caafimaadku ee dawladdu.

Dhanka kale, kooxo Dhalinyaro oo aan ilaa hada la aqoonsan, ayaa maalmihii la soo dhaafay Magaalada Hargeysa Kooneyaasheeda ku baadhay Baabuur ku sii jeeday Kaamamka ku dhadhow Magaalada, kuwaasoo inta ay wadddada ku joojiyeen ay dadkii la socday baadheen.

Sida  ay sheegeen dad goob-joogeyaal ah mid ka mid ah dhacdooyinkan Dhul-jiifnimada ah, ayaa ka dhacday dacalka koonfureed ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo laba maalmood ka hor Koox rag ahi Baabuuro Caanoole ah oo sii caraabayay intay ku joojiyeen dadkii la socday ay si fool-xun u baadheen, iyagoo xataa dumarkii baabuurka saarnaa qaarkood Dahab ay qoorta ku siteen ka furtay, waa sida ay goob-joogeyaashu soo tebiyeene.

Waxa kale oo la sheegay in Nimankaasi Lacag iyo Mobile-diiba ka qaadeen rakaabkii Baabuurkaas la socday, kaddibna ay baxsadeen.

Geesta kale, Madaxda Wasaaradda amniga iyo Taliska Ciidanka Booliska oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino falalka noocan ah oo aanay ahayn markii koowaad ee ay magaalada darafyadeeda ka dhacaan, balse sida la sheegayo sii badanaya, ayaanay noo suurto galin, kaddib markii Wasiirka Arrimaha gudaha, ku-xigeenkiisa Amniga iyo Taliyaha Booliskaba aanu shalay  ka waynay xafiisyadooda, kana jawaabi waayeen Telefoonnada qaar ka mid ah oo aanu kala xidhidhnay.

Hase ahaatee falalka Budhcadnimada noocana ah, oo aan hore caasimada uga dhici jirin, laguna yaqaano meellaha dawlad la’aantu ka jirto, ayaa bulshada ku abuuray cabsi badan, waxaana wax ka qabasho la’aantooda lagu dhaliilayaa laamaha nabad-gelyada ku shaqada leh , kuwasoo aad loo saluugsanyahay waajib-gudashooda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here