Axmed Muxumed Madar Oo Waraysi Uu Siiyey JAMHUURIYA Kaga Hadlay Awoodaha Fulinta Oo Hay’adooda Laga Rifay, Tayada Hay’adaha Dawladda Ee Gobollada Iyo Qodobo Kale

0
53

“Waa in qofka xilka u qabayana ummadda loo eego diintiisa, aqoontiisa iyo dadnimadiisa, taas ayaana keeni karta maamul-wanaagga loo baahi qabo”

“Ma aha in qofka masuulka ah ku dannaysto xilka uu ummadda u hayo, guri ka dhisto ama gawaadhi ka iibsado cashuurta yar ee ummadda laga ururiyey ama…” Md. Axmed Muxumed Madar

Axmed-MadarHargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Muxumed Madar, ayaa dhalliilay qaabka bulshadu u doortaan madaxda iyo masuuliyiinta wakiilka uga noqonaya golayaasha qaranka, isagoo xusay in doorashooyinku ku salaysan yihiin qabiil, balse aan si danta ummadda iyo dawladnimadu ku jirto lagu xulan.

Md. Madar oo waraysi gaar ah siiyey Wargeyska Jamhuuriya shalay, waxa uu sheegay in maamul-wanaagu ku jiro in marka hore bulshadu doorato dad si fiican loo qiimeeyey aqoontooda, diintooda, dhaqankooda iyo kartidoodaba, isagoo sidoo kale ka hadlay xeerka lagu aasaasay Komishankiisa oo uu xusay in laga rifay awoodihii fulinta oo dhan.

Waraysigaas oo faahfaahsan waxa uu u dhacay sidan:

Jamhuuriya: Guddoomiye waxa aad ka warrantaa xeerkii Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiilladu ku sameeyey wax-ka-beddelka?

Axmed Muxumed Madar: Xeerkan runtii wax weyn baa laga beddelay awoodihii uu lahaa wax badan baa laga saaray waxaannu doonaynay inay fulin yeelato hay’addana waxaa loo aasaasay in meesha laga saaro maamul xumada iyo musaqa ina ragaadiyey ee ilaa lixdankii soo taxnaa meesha laga saaro sidii loo beddeli lahaa in laga hawlo. Masalan; waxaanu rajeynaynay inay yeelto awood buuxada oo ay wax kaga qabato. Dabcan, wuxuu ahaa hadafkayagu inay hay’addu sida kuwa caalamka u shaqayso, laakiin sharciyaddaa dib loo eegay ee la fara-fareeyey, saamayn weyn ayeyn ku yeelatay yeelkeeda, waanuna gaadhi doonnaa hadafkii aannu doonaynay.

Jamhuuriya: Ddedaalkii aad ugu jirteen dhismaha awooda Hay’adda Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa markii xeerkeeda wax-ka-beddelka ballaadhan lagu sameeyey shaqadiinnii maxay ka beddeshay?

Axmed Muxumed Madar: Wallaahi horta waxay keenaysaa niyad-jab oo waa dhab, laakiin runtii hay’addan markii Madaxweynuhu aasaasay, xafladdii lagu furayna wuu nagala qaybgalay, waxaannu ilaa xad ku hanweynaa inay shaqayso, una shaqayso sida hay’adaha kale ee caalamka, markaa waqtigii aannu shaacinay waannnu soo bandhignaya awoodaha hay’addan u baahan tahay iyo sida ay doonayso inay wax u qabato, madaxweynuhuna wuu nagu raacay.

Haseyeeshee, nasiib-darro sharciga iyo xeerkii aannu u samaynnay oo ay diyaarintiisa ka qaybqaateen khubaro aqoon dheer u leh qaab-dhismeedka hay’adaha noocan ah ee caalamka, is-barbardhigna lagu sameeyey, balse dhinicii xeerka waxa nagaga yimi xagal-daac, waxaanan xoogga saarnay dhismaha hay’adda, runtiina dadku waxay na weydiinayeen maxaad u hawlgeli weydeen, hawlgalkuna ma fududa oo waxay ahayd hay’ad aan hore u jirin oo la mid ah ilmo hadda dhashay oo la yidhi soco.

Jamhuuriya: Markaa ma jirtaa in aad rajo ka qabtaan in mar kale dib loo eego xeerka aasaaska Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa?

Axmed Muxumed Madar: Haa, aad iyo aad ayaanu ugu rajo weynahay in mar kale dib loo eego xeerkayaga hay’adan marka uu bilawdo hawlgalkeedu, imminkana awoodaha hay’adan waxbaa ka jira, laakiin fulintii ayaa laga qaaday oo cid kale la siiyey ama Komishankayagu wax fulin ah ma samayn karo.

Jamhuuriya: Dhawaan safarro ayaad ugu baxdeen qaar ka mid ah gobollada dalka, maxay ahayd ujeeddada safarkaas?

Axmed Muxumed Madar: Horta safarkan aannu u baxnay ma ahayn kii u horreeyey, balse waxa jira socdaallo aannu hore ugu baxnay oo aannu ku marnay qaar ka mid ah gobolada dalka, maamul-daadejinta ayaana aad loogu baahan yahay, maamulkuna maaha inuu ku koobnaado caasimadda oo qudha iyo gobollada u dhaw, iyadoo socdaalkayagii u horreeyey aannu ku tagnay Gabilay iyo Ceerigaabo, waxana la ogyahay in Gabilay 54km u jirto caasimadda Hargeysa, halka Ceerigaabo u jirto masaafo aad u dheer, iyadoo ujeeddadu ahayd in aannu u kuurgalno sida maamullada iyo hay’adaha dawladdu u shaqeeyaan, waxaanan labadaas gobol ku aragnay in maamulku magac ayaan oo qudha u jiro, laakiin aanay ahayn hay’ado dawladeed oo hawlgal ah, fuliyana adeegyada bulshada, marka laga reebo caafimaadka iyo waxbarashada, annagoo safarkayaga ka diyaarinaya warbixino afartii biloodba mar oo aannu u gudbinno madaxweynaha.

Waxa safarkayaga nooga soo baxay oo aad moodaa in aanay bulshada waxba iska beddelin ilaa sannadkii 1960-kii marka loo eego sida ay wax u doortaan. Marka aad eegto sida ay maanta wax u dooranayaan iyo cidda ay dooranayaanba, iyadoo waqtiyadii hore la qiimayn jiray cidda la dooranayo, sida shaqsiyadiisa, dhaqankiisa, diintiisa, aqoontiisa iyo daacadnimadiisa, waxana xilliyadaas horeba jiray in qabyaalad wax lagu doorto, laakiin cidda la dooranayo waa la qiimayn jiray, maantana sidaas si ka duwan ayey bulshadu u doortaan masuuliyiinta u metelaya golayaasha qaranka, taasoo ah in reernimo wax lagu doorto, iyadoo la eegayo kan ayaa reerka wax u qaban kara, xilka uu qaranka u hayana wax ka qabsan karaya, qaladkaasina waa mid bulshadu leedahay.

Waxa jirta in bulshado door weyn ku leedahay maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa. Waxa aannu tagnay toddoba gobol, waxa aannu la kulannay cuqaasha, madax-dhaqameedka, waxaanan ku baraarujinay inay wax ka beddelaan qaabka hadda wax loo doorto, isla markaana doorashooyinka soo socda bulshada ka dhaadhiciyaan inay wax u doortaan qaab ka duwan sida hadda wax loo doorto.

Waxa aannu aragnay doorashooyinkii golayaasha degaanka oo laga cabanayo kuwii la doortay iyo waxay noqdeen, iyadoo bulshadii soo dooratay ay hadda ka cabanayso, waxaanan doonaynaa in bulshadu wax ka beddesho qaabkaas hore ee wax u doortaan si ay u soo baxaan masuuliyiin ka shaqayn kara maamul-wanaag iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa, waana in qofka xilka u qabana ummadda loo eego diintiisa, aqoontiisa iyo dadnimadiisa, taas ayaana keeni karta maamul-wanaaga loo baahi qabo.

Jamhuuriya: Guddoomiye, haddii aad bulshada kala hadasheen inay si fiican wax u doortaan, xukuumaddana arrintan ma kala hadasheen si la iskula jaan-qaado?

Axmed Muxumed Madar: Haa, xukuumaddu mar walba waa cidda hawsha fulinaysa, waana ta loo igmaday mujtamaca ay masuulka ka tahay inay gaadhsiiso horumar, mana aha in qofka masuulka ah ku danaysto xilka uu ummadda u hayo, guri ka dhisto ama gawaadhi ka iibsado cashuurta yar ee ummadda laga ururiyey ama lacagaha magacooda lagu keeno, sida deeqaha ama wax kaleba. Marka qofku codka ka doonayey dadka wuxuu lahaa waxbaan idiin qabanayaa, waxbaan hagaajinayaa, markaa waa inuu ka dhabeeyo ballanqaadkiisa si loo helo maamul wanaagsan iyo hay’ado dawladeed oo tayo leh.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here