“Anigu Waa Laga Noqonayaa Iyo Laga Noqon Maayo Midna Odhan Maayee, Laakiin [Muddo Kordhintu] Waa Sharci Qaran”

0
34

Hargeysa  (Hubaal)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa warbaahinta uga warbixiyey kulan uu xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha Britain u fadhiya waddanka Ethiopiaa Nail Wigan, waxana uu tilmaamay inay arrimo dhinacyo badan taabanaya isla soo qaadeen.

saleebaan gaalGuddoomiye Saleebaan oo Xafiiskiisa hortiisa kula Hadlay Warbaahinta, ayaa isagoo socod ku jira  ku dhawaaqay erayo intooda badan saxaafaddu afkiisa kasoo saartay, waxana uu ugu horrayn sheegay in kulanka isaga iyo safiirka dhexmaray uu salka ku hayey Arrimaha doorashooyinka iyo muranka taagan, waxana uu tilmaamay in arrimahaasi u yaalliin reer somaliland,“Waxanu ka wada hadlaynay arrimahaas waddanka ka dhacaya iyo qorsheyaasheeda, Doorashooyinkuna somaliland bay u taalla oo iyaga uma taallo.” Ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.

Guddoomiyaha  oo saxaafaddu ku  boobtay su’aalo la xidhiidha cabasho caalamka iyo mucaaridkuba ka muujiyeen Muddo-kordhintii Guurtidu gacantooda ku sameeyeen, ayaa deedafeeyey cabashadaas, waxana uu sheegay in hore Guurtidu go’aan u gaadhay.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Go’aankaas muddo-kordhintu ahaa go’aan Gole guurti gaadheen oo sharci ah, balse waxa uu diiday inuu caddeeyo ka noqoshadiisa iyo ku adkaysashadiisa midka uu taageersan yahay, waxana uu yidhi,

“Guurtida cidina ka cabanmayso oo Go’aanna waa gaadhay shuruucda dalkana waa kamid ah, Ma waxa doonaysaan intaad dheg walba igaga qaylisaan in wax iga soo duulaan, waar waxba iga soo duuli  maayaan. Anigu waa laga noqonayaa iyo laga noqon maayo midna odhan maayee, laakiin waa Go’aan Guurti oo waa sharci qaran.”

Saleebaan ayaa dhammaan su’aalaha saxaafaddu shalay ku boobtay socod kaga jawaabayey, waxana uu afkiisa ka dhawray inuu soo hadal qaado arrimaha muranka dhaliyey ee guurtidiisu abuurtay, marka laga tago inuu ku sheegay Go’aano sharci ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here