“Anigu Ma Odhan Karo Madaxweynuhu Xil [Wasiirnimo] Ayuu Ii Ballanqaaday Laakiin Waan Ka Rajaynayay, [Is-casilaadayduna] waxay Ka Mid Ahayd Niyad-jabkaas”

0
77

“Wax Lafo Jab Ah Anigu Meesha Kamaan Odhan, Ninka Aan Xilka Ku Wareejinayayna…”

Warbaahinta Madaxa Bannaan oo shalay laga Hor-joogsaday Xaflad Ay Xilalka Kula Kala Wareegayeen Laba Agaasime guud

Hargeysa (Hubaal) – Xafladda ay xilalka kula kala wareegi lahaayeen Agaasimihii hore ee Wasaaradda Qorshaynta oo dhawaan xilkaasi iska casilay iyo Agaasimaha cusub ee wasaaradaasi ayaa maanta laga hor joogsaday Warbaahinta madaxa banaan. “In Saxaafada la soo daayo ayaanu isku ogayn, dhawr jeerna way ila soo hadleen waxaanan ku idhi soo daaya, runtiina waxa ay ahayd in si caad ah uun loo soo daayo oo ay uga qayb galaan sidii awalba u dhici jirtay xil Wareejinta, ileen wuxu xil wareejin bay ahayde.Xafladan oo loo ogolaaday in ay duubaan xubno ka socday warbaahinta idman ee xukuumadda ayaa waxa markii ay dhamaatay ka hadlay Agaasimihii hore ee Wasaaradaasi Prof Cabdi Cali Jaamac oo sheegay in aanu garanayn sababta looga hor joogsaday warbaahinta madaxa banaan. “Wax lafo jab ah anigu meesha kamaan odhan, ninka dhalinyarada ah ee aan Xilka ku wareejinayayna waan soo dhaweynayaa” ayuu yidhi Prof Cabdi Cali. Mar la waydiiyay bal in uu madaxweynaha ka sugayay xil ka balaadhan midka uu hadda iska casilay waxa uu yidhi “Anigu ma odhan karo madaxweynuhu wuu ii balanqaaday xil, laakiin waan ka rajaynayay, waxaanay ka mid ahayd niyad jabka” ayuu yidhi Cabdi cali Oo Eryal u waramayay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here