“Anigu Hargeysa Ayaan Malcaamadda Ka Galay Oo Intaan EY Kaxaysto Ayaan Gebigeedaba Lug Ayaan Ku Mari Jiray

0
31

Hargeysa (Hubaal)-Wasiiru-dawlaha  Wasaaradda  Maalliyada Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid oo lagu naanayso Caddaani ayaa ka warramay is beddel uu sheegay in uu magaalada Hargeysa ku dhacay. Wasiir Caddaani oo qayb ka ahaa shir jaraa’id oo ay shalay masuuliyiinta wasaaradda qorsheyntu ku qabteen xafiiskooda oo ay ku beeninayeen warar ka dhan ah mashruuca Somaliland Development Fund oo warbaahinta maxalliga ah qaarkeed baahiyeen in la lunsaday maaliyaddii loo qoondeeyey in lagu fuliyo mashaariicda horumarineed, waxaa  mar uu ka jawaabayay su’aal nuxurkeedu ahaa qaabka mashruucani wax uga qaban karo surmiga dishooday shacbiga reer Hargeysa oo maalinba maalinta xigta biyo yaraani soo food saarayso iyo sida mashaariicda horumarineed ee sanduuqani wax uga tarayo biyo ballaadhinta Hargeysa, waxaa uu si kooban oo karoox leh uga hal celiyey nuxurkii weydiintaasi xambaarsanayd, waxaanu jawaab cadho ka muuqato ku muujiyey in nidaamka biyaha loo ballaadhinayaa aanu dheelli tirnayn.  wasiiru dawlaha maaliyadaWasiir Caddaani  wuxuu sheegay  in tirada dadka Hargeysa wakhtigan ku nooli ay   aad uga badantahay intii uu ku yaqaanay iyo sida loogu da’daalayo in biyo ay helaan iyaga oo aan daamo loo kala saarin,  “Anigu malcaamada Hargeysa ayaan ka galay iyo dugsiga hoosaba oo gabigeedaba lug ayaan ku mari jiray intaan ey kaxaysto, Hargeysi maaha tii ee waataas ay maanta inkabadan halka milyan ee dadka ah ku nool yihiin, ka masalaha dagan, ka New Hargyesa dagan iyo Xaraf ka deganba waa isku mid ee dad uunbaa kala wada oo wax xumaynaaya, caasimada markaas biyaha waa laga dharginayaa dalka inta kalena waa laga dherginayaa.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here