AKHRI+DAAWO: Wasiirka Maalliyada Oo Saaka Ka Farxiyey Ardayda Iyo Aasaasaha Dugsiga Sare Ee Suld. Maxamed Suld. Faarax  Oo La Deris Ahaa Duruufo U Gaar ah

0
31

“maanta waxaan dareemayaa in culayskaasi iga dhacay.  Waxaannad Md. Wasiir  Wallaahi   iigu qoran tahay heerkii Ibraahim Koodbuur taagnaa markii uu la baxay Cabdillahi Askar” Aasaasaha Dugsigan Ahna Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada

“dugiyada waxqabadka loo samaynayo ee  miisaaniyada ku jira  iskuulkani wuu ku jiraa, waxaanan cadaynayaa iyo wixii kale ee   arrin iyo aduun ba leh aanu  la garab taagannahay dugsigan”  wasiirka horumarinta maalliyada

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada ee Somaliland Md. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage ayaa shalay kormeer ku tegey xarunta dugsiga sare ee Suld. Maxamed Suld.Faarax  ee ku yaalla xaafadda masallaha ee duleedka Koonfureed ee magaallada Hargeysa.  Kormeerkan wasiirka oo ujeedadiisu ahayd sidii uu wax uga ogaan lahaa xaallada dugsigani ku sugan yahay  maadaama oo uuku yaalla bogcad ka durugsan magaallada  ayaa halkaasi waxaa ku qaabilay masuuliyiinta, maamulka,  iyo hawl wadeennada dugsigan oo uu horkacayay aasaasaha dugsigan ahna afhayeenka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan, agaasimaha waaxda dib u tayaynta ee wasaaradda waxbarashada Md.  Maxamed Saleebaan Cumar. waxaakale oo iyaguna kormeerka wasiirka ku qaabilay xarunta dugsigan madax-dhaqameed uu hor kacayo  suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Xildhibaanno  iyo masuuliyiinkale.

Ugu Horeyn waxaa halkaasi ka hadlay oo wasiirka warbixin ka siiyey xaallada dugsigani ku sugan yahay iyo maraaxilkii uu soo maray Aaasaasaha dugsigan ahna Afhayeenka wasaaradda Waxbarashada Md. Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan,isaga oo si faahfaahsan ugu sharraxay wasiirka duruufihii uu  dugsigu soo maray iyo baahiyaha u gaarka ah eela deriska ah ee u baahan wax ka qabashadooda, waxaanu yidhi.

 

“iyadoo saacaddan aynu taagannahay [xilliga uu hadlayay] ay tahay 2:00 galabnimo isla markaana uu dugsigu isaga oo mid dawli ah uu yahay ay gaadiidka halkaa taagani [basaska ardayda rawaxinaysa] ay ardayda rawaxiyaan subaxiina soo qaadaan maadama oo aanay jirin hal arday oo dugsiga iskii u iman kara, maadaama oo ay shuruudaha dugsiyada dawliga ahna ay siyaasadooda ka mid tahay in uunoqdo mid ardaydu soo gaadhi karaan, dugsiyaduna u dhawaadaan bulshada,laakiin Md. Wasiir Iskuulkani shuruudahaas wuu khilaafsanaa oo duruufo u gaar ah ayaa jiray oo ardayda bas baa subaxii soo qaadayay aan wax kharash ah ardaydu ku bixin jirin, macalimiintiisana waxaa soo qaadayay gaadhi kuwaas oo tiradoodu tahay 15 aan xataa [macalimiinta] hal macalin gunaysnayn [mushaharka dawladda ku jirin]”. Sidaas ayu yidhi Afhayeenka wasaaradda waxbarashu ahna aasaasaha iyo guddoomiyaha guud ee dugsigan Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan,waxaana uu intaas ku daray oo uu  umahadnaqay dadkii ka qayb qaatay baahiyihii dugsigani soo maray ee wax laga qabtay hadday noqoto dhismeyaasha dugsiga oo uu sheegay in ganacsato iyo masuuliyiin qaranka ka tirsaniba siyaabo kala duwan uga qayb galeen daboolidooda. Dhinaca kale waxaa uu afhayeenku ka hadlay culayso maalmihii u dembeeyey uu kala kulmay duruufaha dugsigan “maadaama oo aan ahay Saddexdii habeen ee u dembeeyey waxay noloshayda ku ahaayeen  maalmo adag,maan seexan saddexdaas habeen waxaanan warwar badan ka qabay siduu dugsigu u sii soconayo, laakiin maanta waxaan dareemayaa in culayskaasi iga dhacay. Anigana Cabdillaahi Ahaan  iyo ardayda dugsigaba Wallaahi waxaad Md. Wasiir iigu qoran tahay  In aad Jeel Iga Jebisay sida heerkii Ibraahim Koodbuur taagnaa markii uu la baxay Cabdillahi Askar, Waxaanan dareemayaa shucuur gaar ah oo ka turjumaysa in aniga iyo ardayda iyo dugsiguba ay guulaysteen waanan kaaga Mahad naqayaa Mudane Wasiir Marka koowaad iyo marka labaadba, waxaanan Ilaahay kaaga baryayaa in halkanka aad ku jirto ee horumarinta Maalliyada qarankan uu kugu garab galo,Madaxweynaha Somalilandna waxaan leeyahay waad asiibtay xulashada aad wasiirka maalliyada u xulatay Md. Yuusuf Maxamed Cabdi, oo 18kii sanno ee u dembeeyey wasaaradda maalliyada ku dhex jiray taasna waxaa muujinaysa isbedelka muuqda ee uu kusameeyey wasaaradda iyotallaabooyinka horumarka leh ee uu sameeyey, waxaanan ku kalsoonnahay in Madaxweynaha Somaliland aanu qoomamayn doonin qalinkii uu Md. Wasiir ku qoray magacaabistaada”. Ayuu Afhayeenka wasaaradda waxbarashadu ku soo gebogabeyey hadalkiisa. Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiirka horumarinta Maalliyada Md. Yuusuf Maxamed Cabdi waxaanu halkaasi ka caddeeyey in dugsigani ka  mid yahay dugsiyada dawladda ee ku jira miisaaniyada qaranka ee sanadkan,sidoo kale waxaa wasiirku halkaasi  ka ballan qaaday in uu si weyn uga qayb qaadan doono baahiyaha gaarka ah ee la deriska ah dugsigan “Wasaaradda Maalliyada Miisaaniyada wax lagaga qabanayo waxbarashada waxaa u soo gudbisa  wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, dugiyada waxqabadka loo samaynayo ee wasaaraddu ay soo qortayna iskuulkani wuu ku jiray, waxaanan cadaynayaa iyo wixiikale ee waxqabad ah ee arrin iyo aduun ba leh aanu  la garab taagannahay dugsigan” ayuu yidhi wasiirka horumarinta maalliyadu Yuusuf Maxamed Cabdi




A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here