AKHRI+DAAWO: Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Oo Ka Hadlay Waajibaadka Ay Golaha Wakiilladu Shalay Ka Guteen Miisaanniyadii Uu U Gudbiyey

0
49

Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi Oo Ka Hadlay  Ujeeddada Socdaal Uu Wefti Uu Horkacayaa Shalay Ugu Baxeen Dalka Dibadiisa

 

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa xildhibaannada golaha wakiillada ugu mahadnaqay asixinta miisaaniyadda 2018 oo golaha lahorkeenay shalay. Wasiirka maalliyada oo intii aanu dalka ka ambo bixin shalay isaga iyo xubno kale oo wasiirro ahi warbaahinta kula hadlay madaarka Hargeysa ayaa golaha wakiilalda uga mahad celiyey waajibaadka qaran ee ay ka guteen miisaaniyadii qaranka ee uu u soo gudbiyey toddobaadkii hore taasi ooay shalay hal dabo la’’ mudanayaasha goluhu ku meel mariyeen.  Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaa waxaa uu yidhi “waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa, golaha wakiillada Somaliland, shir-gudoonkiisa iyo dhammaan hawlwadeennada golaha wakiillada, sidii wacnayd ee ay u guteen shaqadoodii dastuuriga ahayd ee miisaaniyadii qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, uga doodeen, u fallanqeeyeen, su’aalo iska weydiiyeen ee ay aakhirkiina cod majority ah ku ansixiyeen. Annaguna waxaanu ballanqaadaynaa sidaa aad uga soo baxdeen, inaanu sidiisa u fulino, waayo dawladdani waa dawladdii sharciga, oo aanu sharciga ilaalino. Sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa xubnihii siyaasadda nala sameeyay ee golaha wasiirrada ka tirsanaa iyo guddi hoosaadka dhaqaalaha ee baarlamaanka iyo sioo kale wasaaradda horumarinta maaliyadda ee hadh iyo habeen ku fooganaa inay ka shaqeeyaan, soo saaraan, hirgeliyaan, miisaaniyad wax-ku-ool ah oo uu ka muuqdo horumarka intaa le’eg. Waxaan ballanqaadaynaa oo aanu ku dadaalayna, sidii aanu miisaaniyadan uga midho dhalin lahayn, cid kasto oo ay tahay inaanu la kaashano aanu la kaashan doono, annagoo ka codsanayna ganacsatada kala duwan, cashuur-bixiyeyaasha ixtiraamka iyo qadarinta dalkan ku leh, inay nagala qaybqaataan miisaaniyada xadigaa leh ee dakhligii hore ee dalka marka la barbardhigo Odoroska maanta uu boqolkiiba sodon ka badan yahay, labada odoros marka laysbarbar dhigo, hawsha intaas le’eg inaynu dhexda u xidhano. Haddii Alle idmo waxaanu ka dhabbayn doonaa inaanu kor u qaadi doono, cashuurihii barriga, inaan dakhliga macaashka ah iyo kirooyinka aanu hor u qaadi doono, lana hirgelin doono mishiinadoodii. Waxaanu doonaynaa wasaaradda maaliyaddu inay la mid noqoto, wasaaraddaha kale ee dunida ka jira.” Ayuu yidhi Yuusuf Maxamed Cabdi


Intaasi kadib wasiirka wasaaradda maaliyadda waxa uu  socdaal hawlo shaqo ah ugu kicitimay dalka Kiiniya isaga iyo wefti uu horkacayo, waxaana isagoo arrintaasi ka hadlaya uu yidhi; “aniga iyo wasiirro kale waxaanu maanta (shalay) shaqo qaran ugu baxaynaa dalka Kiiniya, hawlaha qaranka sidii loo horumarin lahaa. Waxaanan aad iyo ugu faraxsanahay, anigoo madaarka jooga oo dalka kasii ambabaxaya, in miisaaniyadii qaranka la ansixiyo, cod aqlabiyad ahna lagu ansixiyo.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here