“Waxaan Guddoomiye Muuse Ku Hambalyaynayaa Mawqifka Bulshada Somaliland Ee Uu Ku Soo Bandhigay shirqoollada ka dhalan-kara ololaha lagu taageerayo xayiraad ka qaadista hubka Soomaaliya ee caalamku la garab istaagay maamulka Farmaajo” – Muj. Maxamuud Ibraahim Axmed (sandheere), guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Quality Control-ka Somaliland
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiye-ku-xigeenka hay’adda dhawrista tayada agabka Somaliland Muj. Maxamuud Ibraahim Axmed (Sandheere) ayaa bogaadiyey mawqifkii uu guddoomiyaha ahna murashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uu iska taagay natiijada shirkii ay beesha caalamku London ugu qabatay Soomaaliya oo biya-dhaciisu xambaarsanaa qoddobo lid ku ah qaddiyadda Somaliland. Muj. Maxamuud Ibraahim Axmed (Sandheere) waxaa uu ka digay qorsheyaal dahsoon oo uu sheegay in cidhib xumada ka dhalataa ay dambarsan doonto cid kasta oo ka talisay arrinatasi.
Muxuu yahay Mawqifka Muuse Biixi Iska Taagay qaddiyada shirka Lonodn?
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey xaflad xisbiga KULMIYE ku soo dhaweeyey taageerayaal cusub oo ku biiray maalintii sabtidii, waxa uu si cad uga digay shirkaas iyo natiijadii kasoo baxday, waxaannu naqdiyey go’aanka beesha caalamku ku gaadhay inay garabgasho Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo uu ku tilmaamay nin u soo biyeystay inuu dhiso ciidamo uu Somaliland ku weeraro, waxaannu yidhi, “Toddobaadkan shir baa lagu qabtay London, shirkaasna waxay caalamka yidhaahdeen aynu caawinno Soomaaliya, laakiin lama odhanin Somaliland ma joogto, intii horena lacag baa la dooni jirey oo madaxdii hore waxay odhan jireen dhaqaalaanu rabnaa oo dadkii baa abaaro ku dhaceen oo naga qaxooti ah ee na dhisa aannu dawladda dhisnee, laakiin waxa yimi wiil firfircoon oo adeerkii la sansaan ah oo yidhi ciidan halla ii dhiso aan dagaal tago’e.”
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu su’aal geliyey ujeeddada loo dhisayo ciidamada loo samaynayo Soomaaliya, isaga oo farta ku fiiqay in Somaliland oo hore xasuuq iyo dhibaatooyin kaleba loo geystay aanay weli u hollanin dhisme ciidan oo colaad huriya, “Ciidanka Farmaajo loo dhisayo ee uu doonayaa cidda uu dagaal tegayaa wa’ayo? Xataa innaga oo wixii la ogaa innagu dhaceen oo diyaaraddii Hargeysa ka kacday ina duqaysay xataa waynu ka baqanaa inaynu waxeenii sheegano oo waxaynu nidhaahnaa ictiraaf baynu doonaynaa yeynaan waxba sheeganin,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada caalamka ee u heellan inay Soomaaliya ciidamo u dhisaan weydiiyey dareenka uu ciidankaasi gelinayo bulshada reer Somaliland ee xasuuqa iyo dhibaatooyinka gabbood-falka ahba loo geystay, waxaannu yidhi, “Waxaan weydiinayaa Farmaajo iyo qoladan wadata ninkii wax dilay ee wax xasuuqay marka uu maanta ciidan dhisanayo kii uu xasuuqay ee uu diyaaradaha la dhacay ee maydkiisa iyo qaxootigiisu banka wadhnaa muxuu yeelayaa? Geeska Afrika sidaas maku degayaa bay idinla tahay? oo raggii dhintay miyeynu khiyaamaynaynaa oo waxaynu odhanaynaa kuwaasi ha iska dhinteene annaga uun hanna laynina.”
Guddoomiyuhu waxa uu si cad u sheegay inuu ciidamada loo dhisayo Soomaaliya u arko dagaal qaawan oo Somaliand lagu soo qaaday, waxaannu yidhi, “Caalamka waxaannu u sheegayna ama London haku shiro ama New York haku shiro’e Ciidanka Farmaajo loo sameeyo ee maanta dawladdaas Muqdisho kaligeed loo abuuro waxaannu u aragnaa dagaal cad oo Somaliland lagu soo qaaday ninkii doonaaba haka qaybgalo’e.”
Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu ka sheekeeyey sidii ay labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya u midoobeen iyo sidii ay u kala tageen, isaga oo caalamkana u sheegay inaanay garwaaqsan doonin in labadii dal midna ciidamo loo dhiso mid la iska ilaawo, “Laba dalna waanu ahayn oo xoog ismaanu qabsan oo namay qabsanin oo isumaanu dhiiibin, 1960-kii baanu heshiis midnimo galnay, 1991-kii buu dumay oo nin waliba dantiisa ayuu u dhaqaaqay Somaliland iyo Soomaaliya, garanmayno caalamkana ka garawsanmayno ninna waanu soo hubaynaynaa si uu kuu qabsado adna sii hurud, taasina soconmayso nabadna lagu heli maayo,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Md. Muuse Biixi Cabdi.
Taageerada Mujaahida Sandheere ee hadalka Muuse Biixi
Muj. Maxamuud Ibraahim Axmed waxa qoraalka uu ku taageeray Mawqifka Muuse Biixi oo nuqul ka mid ah uu xalay soo gaadhsiiyey wargeyska HUBAAL u dhignaa sidan:

“WAxaan doonayaa in aan markahore guddoomiye Muuse Biixi ku bogaadiyo dareenka uu bulshada u soo bandhigay ee la xidhiidha shirkii London Loogu qabtay Soomaaliya, kaasi oo ajandihii markii hore la shaaciyey in shirku food saaro looga dhigay taageero dhaqaalle iyo mid maamul oo lagu garab istaagayo bulshada abaaruhu tabaallaayeen hase yeeshee sidaka muuqatay qoddobo ku jiray go’aamada laga soo saaray ay jireen abaabul iyo xaallad abuur ka dhan ah degennaanshaha iyo xasiloonida mandaqada kaasi oo caalamku ku garab siinayo maamulka Farmaajo sidii uu u heli lahaa awoood ciidan iyo mid hub oo uu qas kaga abuuro Somaliland.si kale haddi aan u dhigo waxaa uu caalamku dabada ka riixayay sidii xayiraadda hubka looga qaadi lahaa dalka soomaaliya, taas macnaheeduna uu noqonayo in maamulka Farmaajo lagu gacansiiyo in uu helo ciidamo iyo hub iyo saanad uu weerar ku geli karo, cidii uu doonana qas kaga abuuri karo, arrintaasi oo suurtogalnimadeedu cadaawad iyo colaad hor leh ka dhex abuurayso dalalka geeska afrika ku dhaqan ooay Somaliland iyo Soomaaliya ugu horreyso.
Haddaba markii warkaasi soo baxay waxaa wax lagu diirsado ah isla markaana bogaadin mudan jawaabtii uu guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse biixi ka bixiyey abaabulkaasi, isaga oo ka digay cidhib xumada ka dhalan doonta tallaabo kasta oo togan oo caalamku ku garab galo maamulka Farmaajo sidii cunaqabataynta hubka uu uga qaadi lahaa, taasoo xujo ku noqonaysa cid kasta oo gacan ku yeelata.”. ayuu yidhi Maxamuud Ibraahim Axmed (Sandheere), guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Quality Control-ka Somaliland