Afhayeenka Xisbiga WADDANI Ee Maraykanka, Maxamed Aadan Tarabbi Wuxuu Cambaaraynaya Xil Ma Dhibayaasha Calooshood U Shaqaystayaasha Ah

0
41

Ugu horreyn waxaan tacsi u dirayaa shacabka Soomaalilaan, ee aan maalin kaliya la sharfin la gana xishoon. Waxa muuqata in dalkii la boobay hantidiisii lana bixiyey dhulkii iyo meelihii muhiim ka ahaa sida Gegida Diyaaradaha Berbera oo inoo ahaa hanti maguuraan ah. Majirto dood xalaal ah oo la ga yeeshay mana jirto cid illaa iyo hadda inoo sharaxday.

Waxaan u arkaa bixinta garoonka Berbera mid la gu doonayo midnnimo Soomaali weyn, waxaana caddeyn u ah. Imaaraadku waxa uu tababar ciidan u wadaa Dalka Soomaaliya heshiiskanna waxa sii saxeexay Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa la doonayaa inaynu ciishoonno oo iska kicin kari weyno Imaaraadka hadhowno odhanno Tollaay yaa Soomaaliyeey. Waa qorshaha xukuumadda KULMIYE ee niyad jabisay hankii iyo himaladii goonni isutaagga Soomaaliaan.

Waxay doonayaan in la is dilo oo reer reer la isku qabsado waxaana caddeyn kuugu filan dhacdadii Taliye Casayr sidii loo maamulay, iyo sida laysugu soofeynayo beelaha Saaxil iyo Sanaag. Waxa ay dabada kariixayaan maamul gobaleedyo Soomaalilaan u ka la baxdo, iyagoo hore isugu dayey inay ka la jaraan beelaha Saylac iyo Awdal, maanta oo aynu indhaheenna ku aragno qaar kamida beelaha Soomaalilaan oo leh maamul gaara ayaannu dhisanaynaa. Waxa ay suurto galiyeen taariikhda Soomaalilaan in maamul goboleed la ga dhiso oo Khaatumo ah, iyagoo aqoonsigiina u raaciyey. Nabaddu waa halkeeda wadahadalku laakiin waa qorshii KULMIYE.

Waxa cashar kuugu filan qaabka uu Siilaanyo u dhisay xukuumaddisa ku kooban beesha dhexe iyagoo wiiqay tolniimadii iyo wadajirkii beelaha Soomaalilaan. Waxaan aad uga xumahay in maanta dhalainyaradeennii qaadatay calanka Soomaaliya, waana mid ka mida yoolkii KULMIYE uu beegsanayey. Ugu danbeyn maanta waa maalin madaw, oo ku madaw shacabka Soomaalilaan, waxaanan ku diiwaangashan doonnaa qof kasta oo xil ka haya xukuumadda KULMIYE inuu yahay danbiile ummaddiisa shilin dhaafsaday.

Maxamed Aadan Tarabbi

Afhayeenka Xisbiga Waddani Ee Maraykanka

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here