Riodejenioro:(Hubaal)-Dowladdaha Midowga Yurub, Shiinaha, Korea Koonfureed, Chile, Imaaraadka iyo wadamo kale ayaa ku dhawaaqay in ay iska joojiyeen Hilibka Digaaga ee laga keeno suuqyada dalka Barazil, kadib markii ay soo baxeen fadeexado ku aadan tayada iyo fayodhowrka caafimaadka Hilibka Digaaga ee laga keeno dalkaasi.
Booliiska Federaalka ayaa ku eedeeyay 21 Shirkaddood oo ay ka mid tahay JBS, oo ah shirkadda ugu weyn ee protein-ka soo saara iyo shirkadda kale ee BRF, in ay laaluush siiyeen kormeerayaasha dowladda si shirkaddaha loogu caawiyo in la siiyo shahaadooyinka caafimaadka Hilibka iyo in loo xaqiijiyo in hilibkooda uu caafimaad qabo.
21-ka Shirkadood ee la magacaabay ayaa beeniyay eedeymihii ay usoo jeediyeen Booliska Federalka.
Madaxda fayodhawka caafimaadka Hilibka, ayaa ku dooday in arrinta si dhab ah loo qaato isla markaana baadhitaan cilmiyeysan la sameeyo.
Mamnuucida hilibka Digaaga ayaa waxaa ay ku riixday shirkaddaha ugu weyn dalka Barazil ee JBS iyo BRF in ay gaadhaan khasaare xoog badan, balse markii arrintaasi ay soo shaacbaxday ayaa dowladda waxaa ay sheegtay in murankaasi ay xalin doonto sidoo kalana shirkaddaha lagu soo eedeeyayna sharciga lamarsiin doono.
Midowga Yurub, ayaa sheegay in 4 ka mid ah 21-ka Shirkadood ee fadeexada lala xidhiidhay in ay kala noqdeen Licences-ka amaba shatigii.