Shir aan caadi ahayn oo toddobaadkii hore lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada oo ay ka qayb galeen xubno wasiiro ah oo kooban iyo la taliyaasha ugu dhowdhow madaxweynaha ayaa wuxuu madaxweynuhu kaga dhawaajiyey inaanu mar dambe isu soo soo sharrixi doonin doorashada madaxtooyada ee sannadka 2015ka, sida uu qoray wargeyska af-Soomaaliga ku soo baxa ee maalinlaha ah ee Geeska Afrika kaasoo ay mataano yihiin wargeyska The Horn.
Sida ay caddeeyeen ilo wareedyo goob joog ka ahaa shirkaas, madaxweynuhu wuxuu weydiistay ragga ugu fadala cad xisbiga KULMIYE ee shirkaas goob jooga ka ahaa inay sida ugu dhakhsaha badan u raadiyaan murashax la isku wada raacsan yahay oo hannan kara magacaabista murashaxnimada madaxweynaha ee xisbiga gudihiisa si looga fogaado in la isku laayo tartanka hoggaanka ee xisbiga.
Madaxweynuhu faahfaahin kamuu bixin sababta uu u go’aansaday inaanu mar kale isu soo sharaxin madaxtinimada sannadka 2015ka.
Shan bilood ka hor ayuunbay ahayd markii uu madaxweyne Siilaanyo si rasmi ah u caddeeyey inuu yahay murashax u taagan tartanka doorashada madaxtooyada ee lagu talo jiro inay waddanka ka dhacdo 2015ka markaasoo uu guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi, uu si lama filaan ah kaga dhawaaqay idaacadda BBC-da Laanteeda Af-Soomaaliga inuu yahay murashax madaxweyne.
Lama garanayo illaa immika sababta uu madaxweynuhu yaabka iyo amankaaga ugu riday wasiiradiisa iyo la taliyayaasha ee uu xilligan isu beddelay iyadoo KULMIYE uu maryo dhiigle ku kala furtay magacaabista murashaxa madaxweynaha oo nabaradii xubnaha xisbiga ku kala gaadhay aanay weli bogsan.
Saxaafadda maxaliga ah ayaa in dhawaan ahba qaadaa dhigaysay inaanu madaxweynuhu tabar iyo tag u hayn uu waddanka ku sii xukumi karo taasoo loo nisbeynayo da’da weyn ee madaxweynaha iyo xaaladiisa caafimaad oo aan u suuragelinayn in uu waddanka sii xukumi karo shan sano oo kale.
Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Siilaanyo ayaa haddana weli loo badinayaa inuu yahay ka keliya ee mucaaradka kaga guulaysan kara doorashada madaxtooyada ee 2015ka inkastoo haddana sida ay xaqiiqadu tahay ay awoodda madaxweynaha badankeedu si dastuurka baal marsan ay gacanta ugu jirto xubno ka tirsan reerkiisa.
Durba waxa loo botarinayaa sidii madaxweynaha muddo kordhin loogu samayn lahaa oo hal ama labo sano loogu dari lahaa inkastoo madaxweynaha ballan qaadkiisii berigii la dooranayey ay ka mid ahayd inaan maalin qudha loo kordhin doonin muddadiisa. Madaxweynuhu inuu ballanqaadkiisa uu oofiyo iyo inkale se waa mid weli laga dhur sugayo.
Waxase cad in, Saleeban Maxamuud Aadan, guddoomiyaha Guurtida, aanu u laba-lugoodin doonin in si deg deg ah loo ansixiyo muddo kordhinta madaxweynaha, ama sannada ha noqoto ama labo ha noqotee, marka uu codsigaasi soo gaadho Aqalka Odayaasha.
Isla mar ahaantaa, uma muuqato in hoggaamiyayaasha mucaaradku ay yihiin qaar u heellan ama u diyaar ah haatan inay madaxtinimada waddanka ay gacanta ku dhigaan.
Xigasho:The Horn
Maqaalkan oo Afka Ingiriisiga ku soo baxay waxa af-Soomaali idiinku soo tarjumay shabakadda wararaka caalamiga ah ee Hadhwanaagnews