Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Hawl-galkii Qaran Ee Militariga Somaliland Kula Wareegeen Saax-dheer

0
17

 “Cali Khaliif waxa Hubaal Ah Inuu Siyaasadda Ku Khafiifay…”- AKHRISO Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami

 Hargeysa (Hubaal)- Xukuumadda Somaliland Ayaa ka sokow Taliyaha Ciidamada Qaranka waxa ay Markii U Horeysay Ka hadashay Hawl-galkii Ka dhacay Saaxdheer, ee dawladda Somaliland kula wareegtay deegaankaas, isla markaana ay ku firxadeen nabad-diidka Cali Khaliif.

CadamiWasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Md. Axmed Cali Xaaji Cadami ayaa Magaaladda Hargeysa isaga oo ku sugan waxa uu War-fidiyeennada u sheegay  in Ciidammada Qalabka Sida ee Somaliland ay waajibkooda guteen saaka arooryadii hore isla markaana   Dawladda Somaliland aanay mar dembe u dulqaadan doonin farogelinta qaran dumisnimadu ku dheehan tahay ee Cali Khaliif Caadaystay. “Ciidammada qaranku sidii waajibka guudkooda saarani uu dhigayey ee sugida xuduudaha dalka waxay saaka salaadii sirasmi ah saaxdheer debeda uga saareen Ina Galaydh iyo Maleeshiyaadkiisi Nabada iyo Wanaaga ka doorbiday debed wareega si salmi ah oo awood qaran hogaaminayso ayaa Ciidanku ula wareegeen Baabuur dagaal iyo maxaabiisna gacanta ayey ku dhigeen, khasaare nafeed oo dhinaca maleeshiyaadka ah ayaa jirta balse saraakiisha Ciidanka kama hordhayo iminkase majirto dhiilo taagani, Cali khaliifna waxaa hubaal ah inuu ku khafiifay siyaasadii waxaase hubaal ah inaan mardambe looga dulqaadan doonin talaabooyinka Qaran dumiska ah ee uu Caadada ka dhigtay”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here