Hargeysa (Hubaal)- Xukuumadda xisbal-xaakimka KULMIYE ee Somaliland, ayaa ka hadashay inay wax lug ah ku leedahay khilaafka ka dhextaagan Golaha Wakiillada ee u kala qaybiyey Guddoomiye Cirro oo mudanayaal koobani wehelinayaan iyo inta badan xildhibaannada muxaafadka ah oo isku haya Xeerka Diiwaangelinta iyo ansixinta xubnaha Komishanka Doorashooyinka.
Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Qaranka iyo Cilmi-baadhista Md. Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay in aanay xukuumaddu wax shaqo ah ku lahayn khilaafka Golaha Wakiillada ka jira, isla markaana waxa uu ku eedeeyey Guddoomiyaha golahaasi inuu hanan kariwaayey mudanayaashiisa uu maamulo.
“Khilaafkani maaha mid ku salaysan xukuumadda iyo Golaha Baarlamanka ee waa khilaaf ka dhextaagan Golaha Wakiillada, khilaafkaas Cabdiraxmaan (Guddoomiyaha golaha) maarayn kari la’yahay inuu xukuumadda kula soo meeraysto ama uu na marmariyo maaha. Xukuumaddu wax farogelin ah iyo wax allaale wax aannu ku haynaa ma jirto.
Waxa la isku haystaa xeerkii diiwaangelinta ee aqlabiyadda Golaha Wakiilladu sheegeen in wax aanay ansixin loo gudbiyey Golaha Guurtida, waxaanna soo celisay Guurtida oo aan ahayn xukuumadda, cidda xeerkan diiddani maaha wasiirro iyo agaasimayaal ee waa xildhibaannadii Golaha Wakiillada ee la soo doortay oo hadlaya, xaq baanay u leeyihiin,” ayuu yidhi Cali Xaamud Jibriil oo u warramay telefishanka madaxbannaan ee HCTV, waxaannu intaasi raaciyey, “Xildhibaannada WADDANI way tagaan guriga Cabdiraxmaan Cirro, xildhibaannada KULMIYE-na way tagi karaan guriga Madaxweyne-ku-xigeenka iyo kuwa kaleba, laakiin xildhibaannadii golihiisa ayuu hanan kari la’yahay oo ay aqlabiyaddii ka soo horjeedaa. Markaa inuu dad kale eedeeyo waxaan u arkayaa arrin baalmarsan sharciga, wax uu ku andacoonayo oo aan sal iyo raad toona ku fadhiyin.”
Waxa kale oo uu sheegay inay xukuumaddu diyaar u tahay inay ka qaybqaadato xal-u-raadinta khilaafka ka taagan Golaha Wakiillada haddii goluhu awoodiwaayo inuu soo afjaro muranka ka dhextaagan taagan.
“Dalkeenna sida aynu ka warqabno had iyo jeer haddii khilaaf yimaado waxaynu leenahay dhaqan wadajir loo galo oo isu-tanaasul aynu samayno, markaa haddii xal-u-raadinta Golaha Wakiillada ay noola yimaadaan shirguddoonku ama iyagu hagaajisan kariwaayaan oo aannu u aragno in aannu wax ka tarikarno waanu gali, laakiin taasi waa markay iyagu dhammaysan kariwaayaan (khilaafkooda),” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Wasiir Cali Xaamud Jibriil.
jamhuuriya