Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Hadal Ay Shacabka Kula Soo Dhici Wayday U Soo Marisay Boqor Buur-madaw

0
27

Hargeysa (Hubaal)  “Beeshaydu  Xukunka  Shan Sanno oo kaliya in  ay Kaga tagto Uma Diyaar aha,ka beel Ahaana waxa aanu qabnaa in Loo Kordhiyo,waxaana Weeyaan Cabdiraxmaan Aw Cali Laba Jeer Ayaa loo kordhiyay,Daahir Riyaalena Saddex Jeer ayay Ahayd,Maxamed Xaaji ibraahin Cigaal Dhawr Jeer Ayay Ahayd,Maxaa Anaga noo Diidaya”

Waa Luuqad Kayaabisay Intii Maqashay  ama Daawatay Hadalka Indho adayga  iyo  Kaarto Xumidu Kabuuxdo ee  Boqor Buurmadaw Lagu Qasbay in uu Bulshada La Hortago, Hadana Waxa aad Kadheehanaysay  Sida uu Kolba U baalo Daymoonayo Hadalkana uu u  ugu Marganayay  Boqoruk  in   Afka  uu kuhadlayaa Ahaa Mid Lagu Soo Amaanaystay Balse  aanu ahyn Kiisi Dhabta ahaa ee Boqorka.

BuurtaWaxa  ay Hayd Habeen Kahor Inta aanu Hadalku  Afka Boqorka Kasoobixin Markii Madaxwayne Siilaanyo uu Kulan  Laqaatay Madaxdhameedka Beelaha Somaliland Qaark Kamid  ah Kuwaas  oo aanu kaqarsan in  uu Rabo Mudo Kordhin, Sida ay Shabakada Somalilandlive.com  kuheshay Xog Rasmiya  Waxa  uu Madaxwayne Siilaanyo Madax  Dhaqameedka Beelaha Somaliland Qaarkooda  Udhago  Nugul, Usoo Bandhigay  Su,aal  iyo  Amar isku Ladhan.

Waxa  aad Ogtiin Wakhtiga kooban  ee Kadhiman Doorshooyinka  Xiligii Lagu Qaban Lahaa,  Gudidda Doorashooyinku Waxa  ay Cadeeyeen in aan Wakhtiga Hadhsan Lagu Qabak Karin Doorashooyin iyo  Waliba Hawlaha Culus  ee Qaranka Uyaala Sideeyay  idinka idinla tahay in Lagaga Bixi Karo  Xaaladan ayuu Siilaanyo Waydiiyay Madax Dhaqameedka, Balse Isla Intii aanay Odayadu  kajawaabin Su,aasha  ayuu Madaxwayne Siilaanyo ugu Ladhay Codsi ah in  ay Xukuumadiisa Kutaageeraan Kordhis Mudo  3 Saano  ah  Waxana Buuq iyo Dood Kadib Odayadu Siilaanyo usheegeen in aanay Bulshada   La Hortagi Karin  3 Saano  oo Kordhiimo ah  Mudadaas oo kalabadh Kabadan intii uu Hore Xilka Loogu Doortay Siilaanyo iyo odayada  ayaa Mudo Labo Sanno  ah in Xilka Loogu Daro Siilaanyo    kusoo Afmeeray  Dood  Saacado Badan  Kudhexmartay Madaxwayne Siilaanyo  iyo  Koox Kamid  ah Madaxdhaqameedak Beesha Dhexe ee Somaliland oo ay Hormuud  ka ahaayeen Burqor Buurmadaw  iyo Suldaan Xiiray, Wasiirada  Madaxtooyada, Duulista iyo hawada iyo Warfaafinta

Heshiiskan Madaxwayne Siilaanyo  iyo  Kooxda Madax Dhaqameedka  ah ayaa lagu Balamay in aan Lashaacin Inta Kahoraysa Wakhtiga Guurtida Loo gaynayo Codsi Mudo Kordhin ah oo ay Madaxtooyadu Kasugayso in Dhanka  Gudidada Doorashooyinka Laga Soo Gudbiyo Kadibna Lagu Xoojo Baaqa Odayadan Heshiiska Madaw Lasoo Qaatay Siilaanyo,

Balse Hadalka Maanta ay Caadifadu Kakeentay Boqor Buurmadaw ayaa Dhabarjab iyo  Afkala Qaad Kunoqday Madaxtooyada oo   kordhinta Siilaanyo Doonaysay in ay Ugaliso Shaadh Kabalaadhan  kan uu Buurmadaw Uxidhay ee Beesha Madaxwaynaha Ku Kooban

Sikastaba aha aahto  ee Waxa ay Somalilandlive.com Ogaatay in Hadalka Maanta Kasooxay Boqor Buurmadaw uu Ahaa Fariin  ay Xukuumada Somaliland Usoo Wakiilatay Odhaahdeeda, oo iyada ku Adkaatay in Afkeeda Laga Maqlo ii Kordhiya……   Cadaymo Dheeriya Fillo Dhawaan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here