Waxa sidoo kale xoriyadiisii loo soo celiyay guddoomiyihii ururka Jiidali oo isagu ka horeeyay Saddexdan xubnood
Hargeysa (Hubaal) Xukuumada Somaliland ayaa maanta xabsiga kasii daysay saddex xubnood oo Toddobaadkii hore ay xabsiga u taxaabtay kuwaas oo kamid ahaa ururka dhalinyarada Jiidali
Saddexdan masuul ayaa kala ahaa: afhayeenka ururka iyo xoghayaha iyo xubin kale kuwaas oo ciidanka boliisku ay ka kaxaysteen xaflad ay ku lahaayeen huteel Crown ee magaaladda Hargeysa,halkaas oo ay muddo Toddobaad iyo badh ku xidhnaayeen saldhiga Iftin ee Hargeysa
Waxa saddxedan xubnood ee maanta la sii daayay ku jiray guddoomiyahii ururka Jiidali oo isagu muddo todobaad ah ka horeeyay xadhigiisu Saddexdan Masuul ee kale,kaas oo isna laga qabtay gurigiisa goor habeenimo ah islmarkaana lagu xidhay saldhiga dhexe halkaas oo uu ku jiray muddo gaadhaysa Saddex wiig Waxaana dhammaantood maanta si toos ah loogu soo celiyay xoriyadoodii
Magacyada Masuuliyiinta ururka Jiidali ee maanta xabsiga laga sii daayay ayaa kala ah
Cabdiraxmaan Xasan Adan oo ah Guddoomiyaha ururka Jiidali
Faysal Cumar Madar oo ah afhayeenka
Maxamed Cabdikariin oo ah Xoghayaha
Cabdi Badal Cumar