Xisbiga WADDANI Toronto Oo war-murtiyeed Ka Soo Saaray Iibka Hantida Qaranka,Cabudhinta Garsoorka & Saxaafadda Iyo Safarka Madaxwayne Siilaanyo Ee Gobolada Galbeedka.

0
14

Toronto (Hubaal) Kulan  ballaadhan oo ay kasoo qayb galeen  Hogaanka Sare ee Xisbigga WADDANI laantiisa magaaladda Toronto ee dalka Canada, ayaa lagu gorfeeyay xaaladda  guud  ee   Somaliland  iyo hagar-daamooyinka   Xukumadda Madaxwayne  Siilaanyo ku hayso shacbigga xariirta ee jecel nabadda iyo xoriyadda.Falanqayn dheer ka dib, waxa kasoo baxay qodobada soo socda;

  1. IIBINTA HANTIDA QARANKA..

Waxa dhawaan la iibiyay labadii warshadood ee laydhka Berbera & Hargeisa , ayada oo aan loo  marin nidaam waafaqsan  sharciyada dalka iyo nidaamka duwaliga ah ee  lagu wareejiyo hantida qaranka “ “ privatizaion process’ . Waxay ahayd in dawladdu shacabka u soo bandhigto iibinta labada warshadood, sababaha  ay u maamuli kariwayday,  barnaamijka  ugu wanaagsan ee laydh jaban lagu gaadhsin karo bulshada ku dhaqan Hargeia & Berbera, qiimayn lagu sameeyo kharashka ku baxaaya ,lagu dhawaaqo shirkad cusub oo la wareegta lahaanshaha & maamulka    labada warshadood,Xukumadu sheegto saamiga ay ku yeelanayso ; inta hadhayna  loo soo bandhigo   ganacsatada  waawayn iyo saamilayda yar-yar “ small investors”, oo qof walba  fursad loo siiyo ka qayb galka  wax ku lahaanshaha hantida qaranka. Xisbigga WADDANI, marka uu xukunka la wareego, wuxuu  hantida qaranka u maamuli si cadaaladi ku jirto oo loo simanyahay “ Fair & equitable distribution of public wealth ”

  1. CABUDHINTA SAXAAFADA & GARSOORKA.

WADDANI 2Somaliland waxay kaalinta hore kaga jirta dalalka lagu cabudhiyo saxaafadda laguna xidh-xidho suxufiyeenta . Nasiib daro, waxaynu  tartan  cabudhinta ah kula jirna  Eriteria, North Korea, Iran iyo Syria.  Waxaynu dalalkaas dheernahay  cabudhinta Garsoorka. Waxaanu aad uga xunahay ficilka lagula kacay Garsoore Xussein Belel, oo shaqadii laga joojiyay markii oo xayiraada ka qaaday WARGEYSKA HUBAAL. Waa dhacdo ugub ah oo aan caalamka ilbaxa” civilized world” hore uga dhicin.  XISBIGGA WADDANI, TORONTO, wuxuu cod dheer  iyo  mid gaabanba ku gaadhsiin doona hayadaha caalamiga ah ee arrinkaasi  khuseeyo.

  1. SAFARKA MADAXWAYNAHA EE GOBOLADA GALBEEDKA.

Way haboontahay in Madaxweynahu safar shaqo ah ugu baxo goboladda  dalka , soona ogaado  dhibatooyinka jira. Waxaanu si gaar ah  farta ugu  fiiqaynaa Gobolka  AWDAL oo ka mid ah goboladda Somaliland ugu faca wayn , tiro iyo tayaba. Waxa halka ka jira  tabashooyin iyo cabashooyin fara badan.Waxa iswayndiin mudan, sababta uu Madaxwaynahu  habayn qudha  u seexan waayay Borama, si u xaqiiqada dhabta ah u  soo ogaado.Waa sua’al dad badani iswaydiinaayo, jawaabtana waxa laga sugayaa Madaxtooyadda?

WAA BILAAHI TOWFEEQ.

  1. IBRAHIM ABSIIYE , GUDOOMIYAHA XISBIGGA WADDANI,TORONTO,CANADA.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here