Xildhibaanka Keliya Ee Beelaha Gabooye Ugu Jira Guurtida Oo Isku Shaan-Dheyntii Madaxweyne Siilaanyo Ku Tilmaamay Mid Ka Aradan Cadaaladda.

0
36

 Hargeysa(Hubaal)_Xildhibaan Jirde Siciid maxamuud oo ka mid Munayaasha Gollaha Guurtida ugu jiraa Beesha Gabooye ayaa cod dheer ku sheegay in isku shaan-dheyntii Madaxweynaha Somaliland Md siilaaanyo ay ka arad-neyd cadaaladda, waxa kale oo xildhibaanku Madaxweyne siilaanyo xasuusiyey inuu Qaranka sii siman ugu dhaartay inuu ugu shaqaynaayo Cadaalad Buuxda. Xildhibaanka Jirde oo arrimahaas ka hadlaaya waxa uu yidhi

xildhibaan jirde siciid” waxan halkan Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxauud (Siilaanyo) ugu Gudbinayaa Baaq, waxanan Cod dheer kugu sheegayaa in ay Xukuumadada ka maqan yihiin Beelaha Gabooye kana dhex-muuqan, magacaabistaada iyo isku shaan-dheynta Xukuumada aad ku sameysay aanad waxba soo darin hada iyago oo kaa dhur-sugaayaa, Md Madaxweyne waxaan kuugu Baaqayaa kuna soo jeedinayaa in aad uu magacaawdo si ay uu helaan xaqaa Beelaha S/land ee kale sii lo hello Bulsho isku dheeli tiran oo dhinac walbana ka dhameystiran loona hello sinaan iyo Cadaalad wadaa Deeqda dhamaan Shacabka Reer Somaliland ayaan kusoo jeedinayaa”  yidhii Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud. Waxa kale oo uu sheegay mudanuhuu inuu Madaxweynaha Somaliland uu Magacaabo Beesha Gabooye wasiiro iyo ku xigeenno waxana uu yidhii.

“Madaxweyne Waxan ka Cod-sanayaa inaad Beesha Gabooye aad uu Magacaawdo Wasiiro Iyo ku xigeeno, agaasimayaal Guud, agaasimo Waaxeedyo, Gudoomiyeyaasha Hay”daha madaxa-banaan, isu-duwayaal iyo Taliyaasha Ciidamada Qaran eek ala Duwan, Xog-hayaha Dawlada Hoose ee  Caadimada oo Hada Banaan, iyago oo xilalkaas aan soo sheegay uu xaq u leh isla markaana Buuxina kara hanaana kara lehna karti waayo aranimo iyo aqoon-ba kuwaasoo gaadhsiisan ilaa Heer jamacadeed lehna siyaasiyiin wax garad iyo aqoonyahanaba iyo waliba Culimo Madaxweyne Bulshada Gabooye dhinac walba way ka dhisaan yihiin”

xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray “Md Madaxweyne waxad Bulshada Somaliland uu ballan qaaday marar-badana ku Cel-celisay inaad ugu shaqeyn doonto cadaalad iyo si sinaan ah, isla markana ku dhaqayso Dastuurka Dalka iyo shurucda kale ee uu Yaala Jamhuurida Somaliland”

Waxa kale, oo xildhibaan Jirde Siciid tafaasiil sharci ka Bixiyeey qodobada Dastuurka ee Damaanad qaaday sinaanta Bulshada isago amuurtaas ka hadlaaya waxa uu yidhii.

“Qodobka 8 ee dastuurka farqadiisa 1 waxa uu leeyahay sidan. 1 Muwaadiniinta S/land iyagoon lagu kala saarin Midabka, Qabiilka, dhalashada, luqada Lab iyo dhadig Hantida Mudnaanta iyo waliba afkarta, Iwm…”waxay sharciga Hortiisa ku leeyihiin xuquuq siman 2 farqada labaad waxay leeyihiin sidan. Kala sareyn iyo Takoorka ku salleysan isir-nacayb abtirsiin, dhalaasho,iyo deegaanka way reeban tahay. Isla markaana Barnaamijyada lagu cidhib tiraayo dhaqaamada Xun-xun ee soo jireenka ah waa Waajibaad qaran. Ayuu yidhii xildhaanku. Waxa kale oo uu xusay in aan qodobadaas lagu dhaqmin waxana uu yidhii” Md Madaxweyne Qodobka 8aad ee Dastuurka S/land waa waxay Beelaha Gabooye ama la takooraa ay ka sugayaan inaad hirgeliso oo aad ku dhaqdo gaadsiisona dhamaan Bulsho weynta S/land si lo tir-tiro Takoorka dhaqamada xun-xun ee soo jireenka ah ee Beelaha Gabooye ragaadiyey”…

Md Madaxweyne Dalka sii lo gaadhsiiyo ka mid noqoshada dalalka Madaxa-banaan iyo Beesha Caalamka iyo aduun weynaha intaaba waa  xaq in Bulshadeenu hesho cadaalad iyo sinaan” ugu danbeybtii xildhibaanku waxa uu Bulshada Qurbo jooga ah ee ka mid ah Beelaha Gabooye waxa uu ku booriyey inay Beeshu ka qayb qaadato horumarka ka socda dalka.

“waxan beelaha Gabooye ee qurbaha ugu baaqayaa inay ka qayb qaataan wixii horumar ah ee dalka ka socda  Kana qayb qaatan sidii Somaliland uu hesho icitiraaf Buuxa”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here