XILDHIBAAN RAYTE OO KU EEDEEYEY XUKUUMADDA MADAXWEYNE SIILAANYO INAY KU TUMATAY SHURUUCDA DALKA

0
23

Xildhibaanka oo sheegay in madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu u muuqdaan qaar ka maarmay hay’adaha sharci-dejinta

 

“Kuma wada noolin noolayn tolnimo, qaraabanimo, waxaynnu ku wada nool nahay ee lagu wada joogaa waa sharciga, markaa haddii sharciga lagu tuntu ma…”

xildhibaan-Rayte

“Madaxweynuhu xeer ma abuuri karo oo arrintaas waxa xaq u leh Golaha Wakiillada. Waxa keliya oo uu soo saari karaa waa…”

Hargeysa (Hubaal)- Xildhibaan  Ibraahin Jaamac  Rayte oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa  ku dooday in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo jabisay dastuurka iyo xeerarka guud ee u yaal dalka, kana maarantay goleyaasha sharci-dejinta.

 

Xildhibaan Rayte oo waraysi kooban siiyey Jamhuuriya shalay, waxa uu ugu baaqay Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiinta kale ee xukuumaddiisa inay ilaaliyaan ku dhaqanka shuruucda dalka, isagoo sidoo kale jawaab ka bixiyey dhaliilo dhinaca diyaarinta shuruucda ah oo hay’adaha garsoorku u jeediyaan Golaha Wakiillada.

“Xeerarkeennu ma laha nidaam oo meel ma wada yaallaan. Waxay u baahan yihiin in nidaam loo sameeyo, laakiin waxa jira mabaadii’ guud oo lagu shaqeeyo, taasoo ah haddii xeer la soo saaray uu ka soo dabo baxo xeer kale oo khilaafsan kii hore,   ka danbe ayaanna laraacayaa, taas macnaheedu waxa weeyi waxa loo arkayaa ama loo fasilayaa in ujeeddadii uu golaha baarlamaanku ka lahaa laga guuray. Xeer walbana wuxuu ka awood badan yahay xeerka uu ka dambeeyo,” ayuu yidhi xildhibaanku.

 

Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah digreetooyinka madaxweynuhu ku soo saaro hay’ado maxbannaan iyo xeerarka lagu dhaqayo ay yihiin qaar aan sharciga waafaqsanayn, waxaannu yidhi;  “Digreetooyinkaas waxaannu u aragnaa sharci-darro, waxanna ka mid ah xeerarka uu soo saaray xeerkii diiwaangalinta oo uu ku sheegay xeer-nidaamiye, markaa  xeer nidaamiye-na macnihiisu waxa weeye marka xeer jiro ayuu xeer-nidaamiyhu dhaqan-galiyaa, iyadoo aannu xeerkii diiwaangalinta maddaniga ah jirnba oo aan baarlamaanka la  keenin oo aan hubo in xeer-nidaamiye la soo saaro waa khalad, waana loo kasay, waxana lagu soo saaray wareegto madaxweyne oo lagu sheegay xeer, arrimahaasina meel ay tastuurka kaga jiraan ma jirto. Madaxweynuhu xeer ma abuuri karo oo arrintaas waxa xaq u leh Golaha Wakiillada. Waxa keliya oo uu soo saari karaa waa xeer-nidaamiye faahfaahinaya xeerarka Golaha Wakiilladu ansixyaan, markaa awooddaas ma laha madaxweynuhu, waana ku tumasho lagu tuntay dastuurka dalka u yaal.”

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte waxa uu ku dooday in xeerarka madaxtooyadu soo saarto aan la soo marin Golaha Wakiillada, “Xeerka madaxtooyadu soo saarto annaga namay soo marin, runtiina Madaxtooyadu maaha dhaqan ayey ka dhigtay inay ka maaranto Golayaasha xeer-dejinta (guurtida iyo wakiillada), waanay   la hawl yaraatay inay soo saaran oo ay fushadaan hadba xeerarka ay doonaan sidii dawladdii Siyaad Barre, waxana jira dad badan oo dawladnimada noocaas ah la qurux badan tahay, balse waxaannu u sheegaynaa in dalkan leeyahay sharci iyo dastuur.

 

Waxa kaloo aannu bulshada reer Somaliland, xukuumadda iyo cid kastaba u sheegaynaa in aynaan ku wada noolayn tolnimo, qaraabanimo, waxaynnu ku wada nool nahay ee lagu wada joogaa waa  sharciga, markaa haddii sharciga lagu tunto ma wada noolaan karayno, lamana wada joogayo, mana jirayso dawladanimo. Waxaan leeyahay muwaaddiniintu sharciga ha ilaaliyaan oo xuquuqdoodana ha ilaashadaan, cidda awoodda dawladda fulinaysaana sharciga ha ku dhaqanto. Awoodda dawladda ee ay fulinaysaa maaha mid uu gurigii hooyadii kale yimi amma awowgii ka dhaxlay ee waa mid sharcigu u dhiibtay. Hadduu jabiyo sharcigii u dhiibay isaguna awood yeelan maayo, waana in ninka masuulka ah hubiyo sharcinimada tallaabo kastoo uu qaadayo,” ayuu yidhi Md. Rayte.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here