Xildhibaan Mataan Muxumed Hoori Oo Si Kulul U Cambaareeyay Awooda Ciidan Ee Ay Xukuumaddu U Adeegsatay Xuskii Shuhadadda SNM Ee Ka Dhici Lahaa Xarunta Hiddo Dhowr

0
66

Hargeisa-(Hubaal)-Mujaahid Xildhibaan Aadan Muxumad Hoori (Mataan), oo ah xildhibaan ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland, kana mid ah masuulliyiinta sarsare ee xisbiga mucaaridka ah ee WADANI, kana mid ahaa aasaasayaashii Urrurkii SNM, isla markaana ah Mujaahidkii sameeyay magaca SNM, ayaa si kulul u canbaareeyay amarkii xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ay kaga hor joogsatay Muj Sahra Halgan, munaasibadii ay ku qabanaysay xarunteeda Hiddo Dhawr, ee lagu xusayay xuska munaasibadii maalintii shuhaddada SNM.

mataan hoori
Xildhibaan Mataan, oo goor dhawayd khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay xafiiska wararka ee Shabakadda caalamiga ah ee HADHWANAAGNEWS, ee Hargeysa, ayaa wax laga xumaado oo ayaan darro ah ku tilmaamay amarka xukuumadda,

isaga oo xusay in aanay xukuumaddu xaq u lahayn in ay xoog iyo cudud ciidan u isticmaasho arrintan, waxaanu ku sifeeyay xukuumadda Madaxweyne Axmed Axmed Siilaanyo, in ay tahay tii ugu necbayd xuska taariikhda SNM.

Mujaahid Xildhibaan Mataan, waxa uu sheegay in inkasta oo munaasibada gud ee qabashada xuska maalintan ay qabato Jimciyadda Mujaahidiinta ee Sooyaal, in hadanna aanay jirin wax diidaya in munaasibado kale oo lagu xusayo maalintan lagu qabto goobo kale, sidaa awgeed waxaan u arkaa falka xukuumaddu ku talaabsatay in uu yahay wax laga xishoodo, waxaanu mujaahidku carabka ku dhuftay in xuska munaasibadan iyo kuwa kale ee la midka ahba aanay xukuumaddu gaar u lahayn balse ay shacabku leeyihiin.

Ugu danbayntii, waxa uu Xildhibaanku Illaahay uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo dhammaan mujaahidiintii u shahiiday halgankii dib u xorayta ee SNM, iyo dhamman dadkii rayidka ahaa ee sida xaq daradda ah loogu gumaaday halgankii hubaysnaa ee lagaga soo horjeeday xukuumaddii kali taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Bare, waxaanu ugu baaqay in la daryeelo oo si naxariis leh loo caawiyo dhammaan naafadii, iyo agoomihii shuhaddadii SNM.

KALA XIDHIIDH XILDHIBAANKA TEL 00252 634404057

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here