“Anigoo Ka Tirsan Golaha Deggaanka ee Gabilay, waxaan caddaynayaa in aan ahay murrashax maayirnimada magaalada Gabilay, marka xilka laga qaado maayirka hadda jooga”
“Xisbiga UCID Oo Fulinaya Siyaasado U Gaar Ah Ayaa Caqabad Ku Ah Danta Reer Gabilay Iyo In Xildhibaannadu Xilka Ka Qaadaan Maayirka”-
Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka GABILEY Oo Sheegay Inuu U Sharraxan Yahay Kursiga Maayar-nimada , Xisbiga UCID-na Ku Eedeeyey Inuu Caqabad Ku Yahay Xil-Ka-Qaadista Maayirka Hadda Xilka Haya
Gabilay (Hubaal)- Xildhibaan Iid Xasan Cabdi oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Degaanka Degmada Gabilay, kana soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin warar la baahiyey oo lagu sheegay in xildhibaan Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo golahooda ka tirsan loo sharaxay maayirnimo, kadib markii sida uu tilmaamay ay kalsoonida kala noqdeen maayirka Gabilay Md. Shucayb Maxamed Muuse.
Sida Lagu Daabacay degelka Wararka ee JMG oo Xildhibaankani Waraysi siiyey waxa uu xisbiga UCID ku eedeeyey inuu caqabad ku yahay sidii xilka looga qaadi lahaa maayirka Gabilay Md. Shucayb Maxamed Muuse, isagoo tilmaamay in xisbigaasi kala jabiyey mabda’ ay ku midaysnaayeen 14 xildhibaan oo ka mid ah 21 xildhibaan ee Golaha Degaanka Gabilay ka kooban yahay, kuna heshiiyey inay kalsoonida kala noqdaan maayirka, kadib markii sida uu sheegay xisbiga UCID dedaal u galay in xubin xisbigooda ka tirsan maayir loo doorto.
“Anigoo ah xildhibaan Iid Xasan Cabdi, kana tirsan Golaha Degaanka ee Degmada Gabilay, waxaan caddaynayaa in aan ahay murrashax u taagan jagada maayirnimada magaalada Gabilay, marka xilka laga qaado maayirka hadda jooga ee Md. Shucayb Maxamed Muuse, waxaanan beeninayaa, war aan sal iyo raad lahayna ku sheegayaa in aanay waxba ka jirin, la iskana samaystay war lagu baahiyey shabakada wararka ee hadhwanaagnews, kaasoo lagu sheegay in 16 xildhibaan isku raaceen murrashaxa u beddelaya maayirka Gabiley ee kalsoonida lagala noqday, lana doortay xildhibaan la yidhaa Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo xisbiga UCID ka tirsan, waxaanna meesha arrintaas lagu go’aamiyey fadhiyey 8 xildhibaan oo qudha, balse may ahayn 16 xildhibaan, arrintaasina waxay ahayd mid siyaasadaysan oo si xun loo maamulay, mid wax ka jiraana maaha.
Waxaanan leeyahay aniga murrashaxnimadaydu waa halkeedii, waxbana iskama beddelin, ciddii Ilaahay qadaro ayaana maayir noqon doonta, maayirka hadda joogaana marka Ilaahay qadaro ayuu xilka bannayn doonaa, mana ah wax gacan bani’aadam ku jirta,” ayuu yidhi Xildhibaan Iid Xasan Cabdi.
Waxa kaloo uu sheegay in 14 xildhibaan oo Golaha Degaanka ka tirsan isku raaceen inay xilka ka qaadaan maayirka Gabilay, kadibna ku heshiiyeen inay hawshooda dhamaystirtaan, si dariiq sharci ah loo maro, balse fadhi labaad oo ay u ballansanaayeen qabsoomi waayey kadib markii qaar xildhibaannada ka mid ah ka cudur-daarteen inay ka qaybgalaan.
“Halka ay ahayd in 14 xildhibaan oo hawsha xil-ka-qaadista maayirka waday ay isu yimaadaan, fadhi ay u dhan yihiina yeeshaan, ayaa waxa dhacday in qaar xildhibaannada ka mid ah fadhigaas ka baaqdeen, waxa isu yimi 8 xildhibaan oo qudha, una badan xisbiga UCID, waxayna si khiyaamo ku jirto isula garteen inay iska dhex doortaan cidda maayir loo sharraxayo, anniguna waxaan soo jeediyey in la sugo xildhibaannada kale ee maqan, fadhi kalena la isugu yimaad si iyadoo la dhan yahay hawsha loo galo, taasna waa la iga diiday, kadibna waan ka baxay, waxaanan u sheegay in aan xildhibaannada kale ee maqan u tagayo, maadaama ay yihiin kuwa anniga ii coddaynaya.”
Maayirka magaalada Gabilay Md. Shucayb Maxamed Muuse oo saxaafaddu weydiisay sida uu arko mooshinka xilka lagaga qaadayo ee ay wadaan qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Degaanka Gabilay, waxa uu sheegay in aannu arrintaas ka war qabin, balse loo baahan yahay in sharciga la mariyo qaabka maayirrada xilka looga qaado, isagoo xusay in Golayaasha Degaanku xaq u leeyihiin inay beddelaan guddoomiyeyaashooda.
Xildhibaan Iid Xasan Cabdi oo la weydiiyey sida uu arko hadalkaas maayirka ka soo baxay waxa uu yidhi; “Waan maqlay hadalkaas maayirka, kolaybana sifo sharci ah ayaa xilka lagaga qaadi karaa maayirka, maarkaa maalinta ay gaadho in sifo sharci ah xilka looga qaado, waana laga qaadayaaye ciddii kale ee beddelaysa ayuun baa maayir noqonaysa.”
Waxa kaloo xildhibaan Iid la weydiiyey inay jiraan cid waanwaan ka dhex bilawday maayirka Gabilay iyo xildhibaannada doonaya inay xilka ka qaadaan, waxa uu ku jawaabay; “Maya, laakiin 14-ka xildhibaan ee doonaya inay maayirka xilka ka qaadaan siyaasadayadu way isku xidhnay oo way wada socotay, waxaase markii u dambaysay yimi qarax na lagu soo dhex tuuray oo xisbiyeysan, waxaasna waxa waday xisbiga UCID oo dan uu leeyahay fulinaya, doonaya in maayir UCID ah la doorto, taasaana cakiraan nagu keentay oo kala daadisay 14-kii xildhibaan ee hawsha watay, waxaana dhinac isku raacay 8 xildhibaan oo dano gaar ah watay, halka ay ka maqnaayeen 6 xildhibaan oo kale, waana la ogyahay in aan maayir lagu ridi karin cod ay qaadaan 8 xildhibaan, waxaana maayirka xilka lagaga qaadi karaa marka 14 xildhibaan oo kooram ah isku raacaan.”.
Xildhibaan Iid Xasan Cabdi, ayaa dadweynaha reer Gabilay u gudbiyey farriin ah inay doonayaan isbeddel laga sameeyo Golaha Degaanka Gabilay, xilkana laga qaado maayirka magaalada, arrintaasoo uu xusay inay ku doonayaan sidii sare loogu qaadi lahaa hawlaha shaqo ee dadweynaha loo hayo, waxaannu dadweynaha ka codsaday inay taageeraan qorshaha isbeddel ee la doonayo in Golaha Degaanka Gabilay sameeyaan.
“Xisbiga UCID oo fulinaya siyaasado u gaar ah ayaa caqabad ku ah danta reer Gabilay iyo in xildhibaannadu xilka ka qaadaan maayirka, ahna Guddoomiyaha Golaha Degaanka ee Gabilay, qorshaha xisbiga UCID iyo 8-da xildhibaan ee la socdaa wadaan waa mid muddo-kordhin loogu samaynayo maayirka Gabilay,” ayuu yidhi Xildhibaan Iid Xasan Cabdi oo ka mid ah xildhibaannada xisbiga WADDANI ugu jira Golaha Degaanka Gabilay.