Brussels (Hubaal)- Xildhibaan James Carver ayaa sheegay in lagu abuuray kooxda saaxiibtinimada Somaliland iyo Faransiiska oo ka kooban xildhibaanada baarlamaanka Yurub kana shaqeeya danaha shir shalay lagu qabtay magaalada Brussels.
Mr. Carver oo ka tirsan baarlamaanka Yurub, isla markaana ahaa xildhibaankii soo diyaariyey kulanka lagaga hadlayey qadiyadda Somaliland ayaa sheegay inuu ku dhamaaday guul shirkaa oo ay ka soo qeybgaleen dhamaan safiirada Somaliland ku leedahay dibedaha, xubno kala duwan oo ka socday waddamada Yurub.
Wareysi kooban oo Maxamuud Walaaleye oo wargeyska Himilo ka tirsan khadka telefoonka kula yeeshay xalay ayuu sheegay Mr. Carver in guddiga saaxiibtinimada Somaliland iyo Faransiiska oo xildhibaanada baarlamaanka ka kooban la abuuray oo uu guddoomiye u yahay, isla markaana ka shaqeyn doona danaha Somaliland.
Mar uu ka hadlayey shirkii dhexmaray guddiga baarlamaanka Yurub iyo wefdiga Somaliland wuxuu yidhi,
“Shirkaa waxa ka hadlay wasiirka Arrimaha Dibedda, wasiirka Qorsheynta iyo Edna adan iyo guud ahaan safiirada Somaliland ku leedahay dibedda.
Waxaan abuurnay guddi guud ahaan ka kooban xisbiyada kala duwan ee Baarlamaanka Yurub ku bahoobay oo ka shaqeeya la-soo-noqshada madaxbanaanida Somaliland oo guddoomiye aan u ahay annigu.
Wada xaajoodyadu waxay u sii socon doonaan guddiga saaxiibtinimada Baarlamaanka Yurub.”