In kasta oo Taayirada Baabuurta la aaminsan yahay, inay qayb wayn ka qaateen horumarka iyo tadawarka aadamigu ku talaabsaday, isla markaana ay ahaayeen cajaladii dhaqaajisay gaadiidka aduunyada u horseeday in dadku gaadho meelo aad uga fog wakhti kooban iyo hawl yaraana ku gutaan hawlahooda shaqo,haddana sida nimco walba nusqaan u leedahay, waxa marka ay duugoobaan ay noqdaan, dhibaato wasakhowga iyo qashinka qayb wayn ka qaata.
Hasa yeeshee nin farshaxan ah oo u dhashay dalka Brazil laguna magacaabo, Cl’udio Mota, ayaa isagu si wax ku ool ah u ikhtiraacay, qaab cusub oo loo adeegsan karayo, taas oo waliba leh soo jiidasho iyo qurux indhuhu jeclaysan karaan.
Ninkan farshaxanka ah ayaa Taayirada duuga ah ee baabuurtu iska badasho u badalay ama ka sameeyay, kuraasta xafiisyada iyo kuwa meelaha xeebaha ah ee loo tamashlaha tago la dhigo, waxa kale oo uu ka sameeyay, sariiro, miisas iyo waxyaabo kala duwan oo xafiisyada iyo guryaha loo adeegsado.
Muuqaalada qalabka uu ka sameeyay farshaxankaasi taayirada la iska tuuray ee baabuurta ayaa marka aad aragto, quruxdooda iyo habka uu u farsameeyay aanad moodayn in Taayiro mustacmal ah laga sameeyay.
Ninkan ayaa hindihiisan ku helay taageero badan oo dadka shacabka ah ee dalkaasi u muujiyeen, waxa kale oo heshiisyo la galay qaar ka mid ah shirkadaha, sameeya alaabta guryaha iyo xafiisyada, kuwaas oo farsamadiisani soo jiidatay.
Sida Mr. Moto uu warbaahinta dalkiisa u sheegay, dhamaan kuraasta, miisaska, sariiraha iyo qalabyada kala duwan ee uu sameeyay, ayuu xusay in dhamaantood uu ka sameeyay taayirada iyo qaybahooda kala duwan, sida tayuubka, kaanwayska iyo daawayaasha duuqa noqday, ka dibna uu qaabkaas layaabka leh u sameeyay.